Uncategorized

Isticmaalka Internetka Iyo Talefanka Oo Sababi Kara In Uu Burburo Xariirka Lamaantaada Kaala Dhaxeya Hadii Aad 3-daan Calaamad Isku Aragtit (Talooyin Dhaxal Gal Ah)

iftineducation.com – Aaladaha
Internetka Ama Talefanka oo Sababi karo in Uu xariirkiina Burburo Hadii Aad
isku aragtid 3daan Calaamad:
Run ahaantii  Isticmaalka Aaladaha
sida Internerka iyo Taleefanada  aad u
isticmaashid  Shaqada ama Asxaabtaada
waxa ay kuu fududeysaa howlahaada. Laakin 
waxaa kaloo ay sababtaa in xariirkaaga kaala dhaxeeyo Lamaantaada in uu
burburo.  Si aad uga hortagtid arimahaas waa in si dhaqsi ah aad go,aan  u gaartaa
Aama Xal  hadii aad isku aragtid Calaamadahaan
hoos ku qoran:

1): Adigoo marwalba ku mashquulo Aaladahaas:
 
Xiliga aad isla casheyneysaan Lamaantaada ama aad wada
sheekeysaneysaa  hadii uu jaceylkaaga ku
mashquulo isticmaalka internetka ama taleefankiisa Run ahaantii dareenkaagu
aad ayuu ugu gubanayaa waayo Xiliyadaasi waa xili labadiina
idiin
qaas ah Isla markaaa Loo baahanyahay in aad wada shekeysataan 
Hadaba si aad u xaliso arintaan 
Hadii aad aragto Lamaantaada uu ku mashquulsan talefanka ama internet
hadaba u sheeg in uu joojiyo/joojiso arinkaas Hadii aad awoodana ka qaad
oo dheh (
Gacaliye /gacaliso waqtigaan labadeena ayuu noo qaas yahay aan ka faa
ideysano ee naga
daa mashquulka adigoo ku eegaya indha naxariis ay kudheehanyihiin).
Adigana waxaa lagaa rabaa in aad sameyso midaas mid lamid ah aad meel
iska dhigto Taleefanka iyo internetka.
 

2): Adigoo 
Taleefan ama Internet ka doorbido in aad Saaxiibtaa si toos ah ula kulantid:
 
Hadii laba is jecel ey kala joogaan laba meel oo kala fog  ( Long distance relationship ) waa laga
maarman in Lamaantaada  aad kula xariirtid
Aaladaha internetka ama Taleefanka,  laakiin  hadii aad ku nooshahay
meel aan sidaas i ugu fogeyn oo aad ka doorbitid lakulankeeda/lakulankisa in aad kula xariirtid
Aaladaha internetka ama Taleefanka 
Arintaani waa arin halis galin karto in uu sii socdo xariirkiina  xitaa hadii aad si joogta ah kula xariireysid
 aadalahaas  maxaa yeelay waa laga maarman in kulanka waji
ka waji aad ayuu muhiim u yahay . hadaba hadii aad isku aragto arinkaan  Isku day in aad sameyso jadwal aad kula
kulmeysid Lamaantaada ugu yaraan  Isbuucii
2 mar Hana ahaado kulankaas mid Qaas ah 
(special )

3): Adigoo mar walbaba
ku mashquula dhalada Komputerka ama Taleefanka meeshii aad ku mashquuli laheyd
indhaha   Lamaantaada:
 
Hadii
Adiga iyo Lamaantaada aad ku wada jirtaan Qol Adiga aad ku
mashquulsantahay Chating  Asxaabtaada,  Saaxiibtaana /
Saaxiibkaana uu ku
mashquulsantahay  “ Plyaing Video Games “.
Su’aasha waxa ey tahay Goormaad labadiina waqti aad kusheekeysanataan
heleysaan?  Si aad xal U hesho u samey
waqti Lamaantaada xitaa hal Saac  Adinkoo
ka soo tagaayo mid walbaba mashquulkiisa 
una isticmaala  waqtigiina sidii
loogu tala galay idinkoo mid walbaba aqbaar is siinaayo  Qof walbana 
ka shekeynaayo waxii uu soo sameeyay isbuucii tagay  marna sheekada u
badalaayo mid Romance ah  si jawiga uu isku badalo mid dagan, Farxad
kuna dheehantahay Xiiso
iyo gacal

W/Q Ibraahim Nuur Ibraahim

shumis.net@hotmail.com





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com