Uncategorized

Iga Dhooftaye Dhib Waxaan Aheyn Miyaad Dhaxashay (Qiso Dhab Ah Oo Xanuun Badan)

iftineducation.com – Abdihakiim Oo Ah Wiilka Ay Kudhacday Qisadaan Xanuunka Badan Ayaa Xiriir Lasoo Sameeyay Shabakada Arimaha Bulshada iftineducation.com.

Waxaan ku dhashay magalada muqishu qasatan dagmada wardhiigley waxaan kuso barbaaray dagmada bondheere waxaan ahaa qof aad u dagan dhalinta xafada iyo aqayaarta ku nool degmadaasi waxay igu amaani jireen inaan ahay nin degan ilaa intii la doono  odayaasha iyo dadka tixgalinta kuleh degmadaasi waxay idhihi jireen wiil fiican oo baari ah ayaa tahay aadbey ijecleyen Waxaan kujiray Nolal aad u macaan oo jawiga quruxoon ayaa ii shidnaay  jawigas anigoo iskaaga jiro ayaa waxaan is baranay Gabar qurux badan oo lagu magacaabo Maryan , Run ahaantii maryan waxay ii dhex istaagtay sidii falaar meel bacaad ah laga taagay oo kale Maryan waxa ay aheyd gabar degan Suuq Bacaad Ee degmada Yaaqshiid Llkn waxay boondheere u imaan jirtay habaryartet oo aan isku xaafad aheyn


Run ahaanti ismaan laheyn Maryan ayaad jaceyl kal iyo laab ah u qaadaysaa oo waxaan isku baranay si walaaltinimo ah balse iyada waxa ay aad ula dhacsaneyd jaceylka ay ii qabaan dhalinta iyo dhamaan dadka xaafada iyo iyadoo igu amaani jirtay inaan ahay Xidiga xaafada Boondheere  waxaase usii raacay Maryan Jaceyl u qarsoonaa oo ay aniga ii qabtay laakiin aniga waan ka dareemayay indhaheeda 

Maryan ayaa maalin maalmaha Illaahay kamid ah waxa ay igu balamisay xaafada ay degantahay ee suuq bacaad iyadoo igu dhahday duqa aniga ayaad ii casuumantahay aniga aad baan ugu farxay sababtoo ah Mryan waxay aheyd gabar qurux ilaahay u dhameeyay  waxaaana ku balanay in aan ku kulano xaafada maryan

kulan xasaasi ah Cunto cabitaan kaftanka oo intaba ay ku dheehnaayen farxad iyo rayn rayn kadib, Maryan ayaa hadalka muhiimad aad u weyn u yeeshay oo igu tiri Abdihakim aboowe run ahaanti manta waxaan jecleystay inaan wax in badan aan ka qarinayay kuusoo bandhigto taasi oo ah jaceyl xad dhaaf ah oo adiga aan kuu qabo aniga intaas markii ay dhahday maryan aniga waxaan noqday mid naxdin kudhacday si kadis ah ayay ii dhahday walaaltinamdeenii in aan maanta ku casuumnaa ayaan u heystay balse waxaan ogaaday in maryan ay  qarsanaysay jaceyl waxan kudhahay waxba kama qabo adiga qofki ku arkaa miyaa ku diidi karo indhaha ruuxii ku dhameeyo isagaaba qanaacad iyo farxad ka qaadayo iyo hadalo kale oo aad u mac macaan oo maryan niyadeeda aad u dhisaya .

Maryan ayaa farxad ay ka muuqatay maalinkas waxaan ku balanay marki an tago xaafada in ay isoo wacayso isla markaana telka aan sifiican uga sheekeysan doono waxaana goobta ku galnay Balan iyo Axdi waxaan soo abaaray xaafadayda anigoo waliba murug la iga dareemayo waxaan qosykena ku war galiyay in hadii al isoo Waco aanan joogin xaafada oo qofki isoo wacaa la dhaho majoogo Abdihakim , Maryan sidaas ayaa lagu dhahay 3 mar ayay soo garaacday oo waqti waqti uu u dhaxeyo maryan way shakisay wiilka jidka amaa loo galay iyo su’aalo badan ayay is weydiisay durbadiiba waxay soo aaday degmada boondheere ilayn waa ruux ruux ka maqan yahay E ,

Maryan waxay timid xaafada aan daganaa waxaa la Igu so war galiyay inay gabar banaanka ii taagan tahay waxaan codsaday in qolkeyga loosoo gudbiyo maryan durbadiba marki ay soo gashay waxay igala dul dhacday ilin iyo indho naxariis leh waxay igu dhahday macaane maxaa ku helay ma nabd imaaday maxaa iiga qaban weysay tellka xabadka ayaan galiyay sujuuda ayan ku Shumiyay waxan kudhahay macaanto anoo daal iyo madax xanuun ihaayo ayan qolka kuso dhacay hada ayaan la idhahay gabar ayaa banaanka ku taagan waxaan daremay jaceylka ay ii qabto inuu yahay jaceyl dhab ah Halkas ayaan ku aamusiyay markan anigoo dareemay qabow iyo dhaxan neecow macan badan iyo raxmad dhanka Maryan iga soo galaysay xiligaas wixii ka danbeyay marya waxaan la bilaabay jaceyl baaxad weyn oo aniga iga dhigay mid aamusay oo Maryan kaliya u go’ay

Mudo farxad iyo kalsooni markii aan qeybsanaynay ayay Maryan ii sheegtay In Ay rabto inay aado Wadamada Europ taasi aniga waxay igu noqotay niyad jab weyn iyadoo iga dhaadhacsiisay in aysan waligeed I iloobi doonin jaceylkan waalida ah oo ay igu abuurtay iyo waliba kan ay iyada ay ii qabto oo ahaa  mid labadeena aanan war celis imaan balan iyo axdi dheer kadib maryan waxay gashay safarki ilaa ay tagtay Dalka Swedan xariirkeeni wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan anagoo kawada soconay tellka iyo internetka mudo kadib Maryan waxaan ka dareemay caga jiid iyo hasaawi been ah taasi aniga waxay igu noqotay fajac iyo anfariir gabadhii shalay kuu oynaysay ayaa sidaan kuugu sameneyso waligey kumaan fikirn ,

Nin aduunya joogoow maxaa aragti kuu laaban ayaa  I qabtsaya sababtoo ah waxaan wada ogsoonahay si walba oo uu qofku u mashquulo inuusan weynin fursad 1 saac ah oo uu qofka uu jecel yahay kula hadlo ,waxaan sabraba waxaan sii waayay waqtigii yar yaraa ee aan qadka ku arki jiray maryan waxaan iska dhaacdhacsiiyay toloow ma emailki ayaa ka xirmay ? hadane marka aan Waco telkeda oo aysan iga qabananin waxaan dareemay inay aniga ahaan iga diday
maalin maalmaha kamid ah ayaan waxaan arkay gabar la dhalatay Maryan oo markii hore ay maryan I bartay gabadhii ayaan ka warestay Maryan , waxayna ii sheegyau in Maryan ay fiicantahay 100% mar walbana ay wada xariiraan telka iyo internetkaba intaas markii ay ii sheegtay ayaan gabadhi kudhhaay waad mahasantahay waan sii caraabayaa nabadiin.

Intaas kadib waxaa iisoo baxday Maryan in ay Block isaartay telkeygana marnaab aysan qaban waxaan gaaray go’aan degdeg ah waxaana ka dul dhacay hooyo iyo aabe , oo xaafada ku sugnaa waxaana usheegay in uu buufis xun I haayo isla markaana aan doonayo in la ii iibiyo Len Europ Ah hadii kale aan tahriibayo taas aabahay wuuka biya diiday in la ii diro qurbaha meel kamid ah aabe ayaa iisoo bandhigay in uu gacansi weyn gudaha magalaada muqdisho iigu dhex samaynayo Horaa waxaa loo dhahay Nin meel u muuqato meel kale ka madow taasi aniga gaashaanka ayaan u daruuray marna ma aqbalin inaan gudaha sii joogo hooyadey ayaan jilbaha qabsaday waana ku dul ooyay qof walba oo ay soo korisay hooyo wuu dareensanyahay hooyadu inay tahay qof aad u naxariis badan hooyadey oo ka war heyso inaan nahay qoys ladan ayaa aabe kudhahday wiilkeena curudka ah wuxuu rabo haloo sameeyo laga yaabee inuu qeyr ugu jiro .

Intaas markii ay dhahday hooyo ayuu aabe  istaagay  oo qolkisa iska galay , si degan ayay hooyo niyada iigu dhistay iina sheegtay in ay aabe wax walba ka dhaadhacsiinayso isla caawa taasi aniga farxad weyn ayay ii noqotay waxaana helay fursad aan ku heli karo jaanis weyn
Aabahay ayaa Ogolaaday in la ii iiibiyo len Yurub ah muqalas ayaa durbadii laso qabtay 3 bil kadib waxaan ka dagay Dalka swedan iyadoo halkaas ay si aad ah iigu soo dhaweeyeen dad aan qaraaba ahayn iyo asxaab cusub oo halkaas aan iska baran doono .

Maalmo kadib Maryan ayaa maqashay inaan aniga dhex taaganahay Swedan isla markaana magaalada ay joogto iyo halka aan deganahay ay isu jiraan 3 saacadood wax ka yar waxay soo raadisay talefankeyga nasib wanaag way soo heshay iyadoo isoo wacday marna ma is dhaheyn qoftaas ayaa kusoo raadin doonto ama kusoo xariirineyso  markii aan maqlay codka inuu yahay codkii macaanaa ee maryan laakiin codkas iila muuqdo mid xabeeb leh ileyn jaceylkeeda ima hayee ayaan aqoonsaday in ay tahay Maryan , iyadoo I weydiisay  abdi hakim miyaa qofkan aboowe?
waxaana ku dhahay waa Abdihakiim adiga maryan miyaa ? iyo hadalo kale oo ay ka mid ahaayeen maxaad iisoo raadisay ? maxaan kuu qabtaa ?

anigoo cuqdad xun ay iga muuqato isla markaana aan u xanaaqsanahay waxay aad iskugu fiicnaayeen wiilka aan lajoogo oo aan qaraabada nahay anigane waxaan ahay mid dabeecadihii hore ee wanaaga lagu yaqaanay ay ka lumen , Maryan ayaa iga codsatay inaan sifiican ula hadlo oo jesjeska aan ka joojiyo lakin furka ayaan tuurtay  waxan kudhahay walaaley numberkan amaan iisii mise waan badashaa ? Maryan intaas markii ay dhagaheeda ku dhaceen ayay tellka igu damisay,  waxayna soo wacday wiilka aan qaraabada nahay iyadoo ku barooratay saaxiibkeygoow ninkan mudo ayaan is jecelnahay mashquul dheer ayaa nakala waday wax ka dhaadhici iyaoo sida ay jeceshahay ugu sharaxday wiilka .

Wiilki  wuxuu isku dayay inuu arinkan iga dhaadhacsiiyo laakin taas maan aqbalin waxaana dhacday inan isku xumaano yarkii aan qaraabada aheyn waxaan uga baxay xaafadiisa maalin maalmaha Ilaahay kamid ah ayaan xaflad aroos waxaan si kadis ah iskugu aragnay Maryan iyadoo gabar iisoo dirsatay meel banaanka ahna fariisatay waxaan usoo baxay goobta ay ku sugneyd waxaana ay ii sheegtay in ay xad dhaaf ii jeceshahay walibane ay xasuusato balantii iyo axdigii isla markaana y xasuusato maalinki ugu horeysay ee ay jecelka ii sheeganaysay iyo farxadii aan soo qaadanay intii aan kuwada sugneyn dalkeeni hooyo sidoo kale Maryan ayaa iisheegtay in loo baahan yahay in gacmaha la is qabsado maanta oo kale wixii qilaaf ama dhibaato nasoo dhex galayna la iska iloobo , maadama hada aan wadan qurbaha  aan isla joogno in laso celiyo farxadi iyo kalsoonidii aan kuwada nooleyn xiligii Muqdisho 
Waxayna Diyaar u aheyd in aan guur iyo jaceylba sameyno iskana indha tiro ciqaabti ay I marsiisay ha yeeshee waxaan usheegay in ay dhamaadeen Jaceylkii hal abuurka iyo beenta ku dhisnaa oo ay markii hore igu beertay sidoo kale waxaan u raacsiiyay habeen iyo dharaar cad toona ku dooni maayo walaalnimada aan isku heynay hasoo laabato ama sitoos ah aan ukala baxno , iyadoo ilmaynaysa ayaana halkaas kaga dhaqaajiye wey ciishootay laakiin marnaba ma calool jilcin oo waxaa I gubayay qaababka xun xun oo ay iila dhaqantay .
Maryan hada waxaan iskula noolnahay Dalka Swedan iyada waxay doonaysaa inaan isku soo noqono oo aan is guursano laakiin aniga waxaan sameestay xariir ugub ah oo aan doonayo inaan dhawaan la aqal galo

Aqristoow Qisadaan Mid Lamid Ah Hadii Ay Kugu Dhici Laheyd Jaceylka Maryan Dib Ma Ugu Laaban Laheyd ?

W/Q Mohamed AminCarab 
shumis.net@hotmail.com

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com