Uncategorized

HIV/AIDS – Maanta Oo Laga Xusay Dunida Daafaheeda Maalinta Aidska Aduunka?

iftineducation.com – Maanta oo kale 1da bisha December waa maalinta caalamiga ah ee loo
asteeyay xanuunka HIV/Aids, waxaana xaflado wacyigelin iyo baraarujin u
badan oo cudurka lagu xusayo ay ka dhacayaan meelo badan oo dunida ah.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, qiyaastii 34 million oo qof ayaa
dunida oo dhan la nool HIV, iyadoo 2 milyan iyo barna uu haleelay
sanadkii la soo dhaafay oo kaliya.

Xarumaha la socodka xanuunka ee dalkan mareykanka ayaa sheegaya in si
weyn uu cudurka kor ugu sii socdo, gaar ahaan dhalinyarada, iyadoo bil
walba 1,000 qofood laga helo infekshanka .

Dhinaca kale dalalka Qaarada Africa oo uu cudurkan si weyn fara ba’an
ugu hayay ayaad moodaa in sidii hore ay ka soo yara reynayaan.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com