iftineducation.com – Soomaalidu waxay tiraahdaa: (hadday naagi siddeed iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay,isla markaana gabar tahay, guurkeeda lama dhaafi karo). Sifooyinka ay tilmaamaanna Soomaalida xigmada badan halkaan ka aqriso :-
Afar ay u dheer tahay: labada gacmood, timaha iyo qoorta.
Afar ay dhumuc u leedahay: labada kub iyo labada cududdood. Afar ay u caddahay: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab.Afar ay u madowdahay:
labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.Afar ay deeb u leedahay:
labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda).Laba ay u shuban tahay:
labada dhaban.Hal ay u buuxdo: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato.
Hal ay u qoran tahay: waa sanka.Lix iyo labaatankaas sifo waxaa soo raaco labada maqalkoodu ay dheguhu ku raaxaystaan, waana qosolkeeda iyo codkeeda macaan
Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda.
Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda.
____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com