Uncategorized

Hadii Aad Rabtid Guur Aad Ku Waarto Raac Hababkaan Kuu Fududeynayo.

iftineducation.com –  Guurku sidiisaba waa calaf iyo halka uu nasiibkaadu yahay, iyadoo ay taas jirto ayaa hadane loo baahan yahay in dhowr meelood laga eego, marka aad guursaneyso ama aad xulanayso ruuxii aad la wadaagi laheed aayaha mustaqbalka, qofka doonaya in uu ku guulaysto ruux noloshiisa waxa tar u yeesha oo guurkiisa aanu kala kulmin dhibaato waa in uu ku doortaa shuruudahan iyo  kuwii la halmaala.

Ha noqdo qofka aad nolosha la wadaageyso qof aqoon leh maxaa yeelay dadka aqoonta u ehelka ah waxay is fahmi karaan waxwalba, waxayna ku dhamayn karaan si is faham ku dheehan yahay, gaar ahaan hooyada aqoonta leh waxay awood u leedahay inay soo saarto ubad tarbiyaysan, kana guulaysan kara duufaanada jahliga, waxaa horey loo yiri hooyo wax baratay waa bulsho wax baratay.


U dhago nuglaaw murti baa tidhaa (Wiilkaada mar ayuu garab (hiilo) kaaga baahan yahay, waana marka aad hooyadiis doonayso) hadii ninku uu guursado haweeney jaahilad ama doqon ah, haba qurux badnaatee, ilmaha ay dhasho wiil amo gabar midkuu rabo ha ahaadee wuxuu waayee garabkii uu uga baahnaa dhinacaas, halka hadii uu aabaha ku guulaysto inuu guursado haweeney gaari, aqoonna leh oo ay garasho u dheertahay, waxay u badan tahay ilmaha ay dhasho inuu noqdo mid ka dhisan xaga hoose, kuna fiicnaado waxbarashada.







____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com