Uncategorized

Gabdhaha muqdisho oo badi bilaabay iney is cadeeyaan‏ (Sababtu Maxey Tahay?)

Diyaano
iftineducation.com – Muuqaalo aan horay loogu arki jirin gabdhaha muqdisho ayaa maalmahan waxaa la arkayaa iney diirka iska dhigeen oo ay is cadeeyeen iyagoona isticmaalaya daawooyin leesku dardaray oo iyaguna dhibaatadooda watta .
Gabdha ku dhaqan magaalada muqdisho sanadkan sida ay uwada isticmaaleen walxa leesku caddeeyo ma jirin si lamida ah sanadkan .

Qaar katirsan wiilasha ayaa iyagu usababeynayo iscaddeynta gabdhahan iney ka danbeyso, gabdhaha oo iyagu daneenaya  inuu guursado wiil dhaqaale badan heysta, iyo iney mar uun cagaha geeyaan qaarada yurup taasina ay uga dhabeen karaan iney soo jiitaan wiilasha qurbajoogta ah ee dalka ku soo laabtay mudooyinkii danbe taasina waxa ay dhalisay iney gabdho badan iscaddeeyaan waa sida ay sheegayaan wiilasha muqdisho.

Cawo iyo digsiyaa madow waa halku dhigga ay adeegsadaan gabdhaha iscaddeeya iyagoona uga dhan leh iney gabdhaha madmadow ay iyagu kusoo biiraan oo ayna iscaddeeyaan.
Gabdhahan ayaa iska dhaga tira talooyinka ay soo jeediyaan dhaqaatiirta iyo culama’udiinka.
Midabka madow iyo midabka cad waa midab alle mana jirto qof iska badali karto.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com