Uncategorized

Gabar Muslimad ah Oo Fal Cadowtooyaya Ah Lagula Kacay Bariga Magaalada London (Dhacdo Xanuun Badan)..

iftineducation.com – Mawaadin
Cunsuri Ah Oo U Dhawashay Wadanka Ingiriiska Ayaa Si Xun U Dhaawacay Gabar
Muslimad ah Kadib Markii uu Feer Aan Caadi Ahayn Oo ay Gabadhu La Dhacday Kaga
dhiftay Tunka Ama Qadaadka.




Police-ka
Bariga London ee wadanka England  ayaa
gacanta ku soo dhigay danbiilihii  gaystay fal cunsuri ah oo uu kula kacay gabar
muslimad ah.





Qabashada
danbiilahan
ayaan timid kadib marki ay police-ku ka war heleen fal danbiyeedkan
uu gaystay ninkan. Poloiska ayaan wali si rasmi ah uu soo bandigin
magaca ninkan
ku dhaqaaqay falka cunsuriga ahaa. Lkn  Kamirooyinka duuba 
faldanbiyedyada noocan oo kale ah  oo goobtaasi ku xirneed ayaa soo
bandihtay
qaabka ay wax u dheceen, muqaalkii xiligaasi ayaa soo bandhigay in ninka
gabadha dhibka u geystay uu in badan daba socday  markii ay ka soo
baxday gurigeeda ilaa goobta uu
falkan ku sameeyay.



Gabadha
ayaa sheegtay mar ay u Warameysay ATV  in
ay dareentay Madax Wareeer aad ah markii ninka uu la cayay feerka xili ay ku
dhex jirtay mid ka mid ah gawaarida gurmadka degdeg ah “Waxa aan arkay dhiig
badan oo ku yaalo wajigayga mana garanaayo wax uu iigu maagay ”.



Waxa
ay ku sii dartay gabadhan 16jirka ah “Waxa kaliya ay ah oo aan rajaynaayo ayaa
ah in ninka sidaan igu sameeyay gacanta lagu soo dhigo oona Maxkamad lasoo
taago si ninkan uu mardanbe ugu laaban danbi noocaan oo kale , kana uu noqdo
kiisii ugu danbeeyay uu sameeyo” .


____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com