Uncategorized

Gabadhii aan jeclaa qabiil dartiis ayee facebook block iiga saartay (Qiso Jaceyl oo Xanuun badan Qeybtii 2aad)

iftineducation.com – Waan ka shalaayay in aan noloshayda siiyo qof aan ka bartay facebook, hadii aan ogaan lahaaa waxa aan intaas sano kool koolinayay in ay ku filantahay qofka in uu block isaaro marnaba ma sameesteen xiriir jaceyl, qof aad kaaga fog aadan la kulmi Karin hadii aad dareen jaceyl u qaado isagiina ku block gareeyo waa halis, waxaan ogaaday in xiriirka facebook usan laheen isku haleen, niyad jab kii ugu xamaa ee soo maraya noloshayda ayaa isoo maray, waan u dhibaatooday jaceylka aan uqabo gabadhaas block ii saartay qabiilka aan ka dhashtay, waxaana igalay cuqdad tii ugu xumeed ee nolosheeda aan qof u qaado.



Markii ay iyada asxaabtayda remove i dhaheen salaantii iga jarteen intaas oo kaliya kuma ekeen waxay sameeyeen sawiradeeda ayee soo galiyeen iyago dhahaya kan waa nin sidaas ah sawirada waxaa saarnaa calamada (X) ama istilaaab sidii qof la mamnuucay ama la karan tiilay, sawirkii wuu faafaay ilaa gees ka gees facebook wuxuu ka noqday mid lagu shactareesto, maalinba maalinta ka danbeeso friends keyga facebook wuu sii yaraadaa waan dareesanahay in ay tahay cilada sawiradii lagu faafiyay facebook, aad baan ula yaabay Soomaalida sababtoo ah waxaad arkeysaa sawir ciyaartooy ama laacib u ciyaaraha kooxaha waa wayn qof profile kiisa saaranaya ama amaanaya ku faraxsan sawirkaas, aniga oo ah walaalkooda Soomaaliga ah heestana diinta Islaamka waxaa noqday qof laga ordo, way ii dhimaneed in aan arko qof Soomaali ah oo iga jaceyl qof kale oo gaal ah dadka sidaas sameenaya waxaan aaminsanahay in ay heesato iimaan yari dhanka diinta ah waayo qofka aaminsan in wax ka wayn Islaamnimad aysan jirin ima xumeeyeen.

Markii intaas isku key biirsadeen ayaan meel gaar ah fadhiistay waxaan iri

v Umad meel kawada timid
v Ilaa maan tin iyo cirib
v Toowxiidka eebe iyo
v Midab aan kukala tagin
v Ineey is takooraan
v Xageey diinta kaga taal
v Tix raac waxan lahayn iyo
v Taariikhada beenta ah
v Ruxaad dambi katabaneeyn
v Talabxinta hadalka iyo
v Tacab aadan dheereeyn
v Inaad xumo kutirisaa
v Xageey diinta kaga taal
v Aduun walakala tagay
v Istakoor dhamaayoo
v Isku tiirsi iyo talo
v Talaabadaay ku gaareen
v American ka kala duwan
v Ingiris bal taga oo
v Fiiriya in laga tagay
v Istaag tag qabiil iyo
v Iney tiro ku faaneeyn
v Ruuxii tusaala iyo
v waxtarkisa laga helaa
v Loo sacaba tumayaa
v Taa ma eegiweydeen
v Sideey diinta nagu tiri
v Tarankiisa aadmiga
v Turaabtuu kawada yimid
v Midka taagta daran iyo
v Ruuxa taajirkoo ladan
v Taqwa eebe mooyee
v Tilmaantuu kasiminyahay
v Allaah uug tala galay
v Hadeey midigta kali tahay
v Bidixda taakuleeyneeyn
v Tiiraanyo mooyee
v Horumar tiigsanmeeysee
v Taa ma eegi weydeen
v Taladii ilaahay noo toosiyoo taal
v Inaad is takoortaan
v xageey diinta kaga taal

Naf jaceyl hayo kama baxdo fikir, waxaan ka walaacay aayaha danbe ay nolosheyda inkastoo aan Muslima ahay markasta waxa soo socda udaayo Allah SWT balsa nafta iyo sheydaanka weerarka ay ku hayaan noloshaada waa mid kuu sawiraya in aad cabsato, waxaan niyada gashtay hadii sidaan xaalku yahay talow gabar kasta maku diidi doontaa, mar baa niyada iska galiyaa ha isku sheegan waxa aa tahay is qari, shakigaas oo dhan waa wax nafsada iyo sheydaanka i tusinaya.

Muragada ma aheen mid si sahal ah iiga baxdo, waxaan ka xishooday in aan sii lahaado cinwaankaas maadama uu noqday mid ii keenay murugo, waxaan go’aan saday in aan iskaaga guuro cinwaankaas, wuxuu noqday mid aan ku farxin galistiisa, waayo ilaa hada waxaa ku jiro fariimihii aan is dhaafsan jirnay kuwaas hadii aan aqriyo markale niyadeeda si kale noqoneyso, isma laheen noloshaada gabadhaas ayaa sidaan kuu gali doonta.

Cinwaankii ayaan iskaaga guuray, waxaan sameestay cinwaan cusub, waxaan ku sameestay magac, waxaan ku darsaday inantii i block gareesay, waayo waan ka quusan la ahay waxaan is dhahaa ameey fikir ahaan is badashaa, sina waan u baqayaa hadii aan isku sheego amee kaa didaaa, wax sawir ah la igu garto ama profile sax ah ma aanan saaran, waan ku darsaday aniga oo cabsi meel iska dhigay warqad salaan isbarasha ah ayaan udiray inkastoo warqadaas aan ku xusin wax magac ah ama meesha aan joogo, meeshii aan jawaab soo dhaween ah ka sugayay waxaa isoo dhacday warqad ah in ay ifahamtay u muuqato in aan ahay Daalac Daahir Shoot warqada ayaa u qorneed sidatan ……. La soco Qeybta 3aad sheekadaan maalinka Axada InshaAllah.

Xigasho: www.shumis.net

W/Q : Daalac Daahir Shoot
Bandung-Indonesia
E-mail: sheekojaceyl@hotmail.com






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com