Uncategorized

Fanaanka Weyn Mahad Indhodeero Oo Soo Saaray Hees Cusub Sir Jaceyl + Video Shidan


iftineducation.com – Fanaanka reer North America Mahad Indhodeero ayaa soo saray muuqaalka heesta Sir Jaceyl, waxaana u duubay soo saaraha weyn ee Sj Hassan oo inta badan heesaha u duubo ama u soo saaro fanaanka luuqada English ku heeso ee KAY.

Heestaan ayaa leh muuqaal aad u qurxoon oo ka duwan muuqalada inta badan ay duubaan soo sarayaasha Soomaalida oo badanaa u duubo hal qaab oo isku eg.

Soo saare SJ Hassan, ayaa heestaan u duubay una farsamayay qaab aad u sarayso oo dadka dawaday ay ka heleen muuqaalka heesta iyo waliba qaabka heesta loo jiheyay.

Sido kale fanaanka Mahad Indhodeero ayaa heesta Sir Jaceyl u jilay si aad u wanaagsan waxaana wajigiisa ka muuqday dareenka heesta Sir Jaceyl oo ah hees aad u macaan oo isku darsatay laxan qurxoon duubis wanaagsan iyo waliba erayo macaan.

Fanaaniinta Waqooyiga America ayaa noqday sanada 2012 fanaaniinta ugu heeso macaana uguna muuqaalada qurxoonaa,iyaga oo ku dhaafay fanaaniinta Yurub fan jaceyl iyo waliba heeso tayo leh.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com