Uncategorized

Fanaaniinta Kunool North America Ayaa Qaab Qabiil Ugu Kala Qeybsamay Juba Iyo Cigaal

Juba Vs Cigaal
iftineducation.com – Qaar ka
mid ah fanaaniinta magaalada Minnesota ayaa si weyn isugu qilaafay
arinta ku sabsan cidii qaban lahayd showga sanadka cusub iyagoo kala
tageeray labada fanaan ee kala ah juba iyo cigaal.
Dadka ku
nool magaalada Minnesota ayaa sheegay in ay ku jah wareersanyihiin cidii
qaban lahayd showga sanadka cusub iyagoo la yaban is barbaryaca ka
socda magaalada malmahaan gaar ahaan arinta ku sabsan in fananiinta ay
ku kala tageerayaan labada fanaan qaab qabiil ah.
 
Sidoo
kale dadka ayaa sheegay in ay ogaayeen awal in uu showga qabanaayo
Fanaanka C/Qaadir  Juba  walibana ay sii gateen kararka xaflada ay ku
gali lahayeen

Qabanqabiyaasha
Xaflada Juba ayaa ku eedayay qaar ka mid ah fananiinta in ay wadaan
fidno iyo kala qaybsanaan fananiinta ah iyagoo ku eedayay in qaab fowda
ah u soo dhajayeen xaflad kale oo ay ku sheegayn in uu qabnaayo fanaanka
weyn ee Ahmed Cali Cigaal

Dhanka
kale qabanqabiyaasha xaflada Ahmed Cali Cigaal ayaa dhankooda ku jawabay
in ay tahay magaalada Minnesota meel weyn qofkastana uu dhanka uu rabo
xaflad uga qabsan karo dadkane xafladay rabaan ay aadi karaan.

Horay
Fanaaniinta North America waxaa lagu tilmaami jiray fanaaniin isku
duuban oo hal dhinac u wada socdo balse arintaan ayaa muujinayso in
aysan waxba dhaamin fanaaniinta yurub oo lagu tilmaamo fanaaniin aan
isku duubneen.





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com