Uncategorized

Fanaanada Madonna Oo Qadka Ka Saartay Lady Gaga Iyo Fanaaniin Kale Oo Badan.

Madona Vs Lady Gaga
iftineducation.com – Xili la filayo in la qabto Bandhigyo kala duwan oo lugu xusay sanadka cusub ee 2013ka ayaa waxaa soo baxaya in Fanaanada Wayen Madonna ay booska kala baxday Fanaanada aadka loo jeclaa laddy Gaga taas oo shook ka qaaday markii ay maqshay in ay Madonna booska kala baxday.

Shan Fanaaan oo waa wayen ayaa ku loolamayay in Bandhig ay ku Qabtaan Magaalada London hayeeshee kaalinta koowaad ayaa waxaa ka soo muuqda Fanaanada Madonna taa oo u muuqata in aay Fanaaniin badan booska ka saartay oo taageera badan mutaysatay.

Bandhigyada u danbeeyay ee ay qabatay Madonna ayaa waxaa soo galay kharasha aad u badan oo gaaraya £141million halka Lady Gaga uu soo galay dhaqaalo aad u yar waxeyna heshay £76million taasna waxa ay keentay in Fanaanadaa booskeedii wayso .

Lady Gaga ayaa ahayd mid si wayen loo jaclaa waxana moodaa mudooyinkaa danbe in hoos dhac ku yimid fankeeda iyadoo bandhiga ay qabtay dhoor bilood ka hor la tilmaamay in ka soo qaybgalkeeda uu yaraa waxan qiyaas la bixiyay lugu sheegay in 78% hoos u dhac uu jiro .






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com