Uncategorized

Faah Faahin: Soomaalida Islii oo kala carar ku jirta iyo ciidamada oo gur guri ubaaraya

iftineducation.com – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa baaritaanno balaaran ka billaabay xaafadda ay Soomaalida degto ee Islii  magaalada Nairobi kadib qaraxyo ka dhacayay maalmahan.

Ciidamada oo wata Eeyo iyo gadiid ayaa baaritaanka ku bartilmameedsanaya dhismooyinka waa weyn ee xafada Islii  sida ay Warqaad.com usheegeen dad kusugan xaafada.
Waxyaabaha la baarayo ayaa waxaa kamid ah hub iyo waxyaabaha qarxa, iyo dad la sheegay in ay si sharci la;aan ah ku joogan gudaha Kenya.
Goobaha ay sida weyn ubaarayaan ciidamada ayaa waxaa kamid ah sectoin 3, Sectoin 1, 7-ka 5-ka iyo meelo kale oo kamid ah xaafada Islii.
Waxaa la galay xaafado badan oo la baaray, waxaana jira warar sheegaya in dad badan ay ciidamada ku kaxaysteen gadiid ay wateen kadib markii ay waayeen sharcigii ay dalka ku joogeen.
Sidoo kale dad badan oo ku jiray xaafadaha kala duwan ee Islii ayaa ka cararaya guryohooda, waxayna dadku ka cabsi qaabaan in lawaydiiyo sharciyo islamarkaana xabsiga loo taxaabo.
Maalmihii u dambeeyay ayaa xaafadda Islii waxaa ka dhacay qaraxyo dhowr ah kuwaa oo waxyeello soo gaarsiiyay dadka aan waxba galabsan ee ku dhaqan xaafadda Islii.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com