
Suudaani ayaa waxa uu sheegay in tijaabo uu ku sameeyay sedax haween ah oo iyaga oo qaba cudurkaan uu guul ku dhamaaday, kadib markii daawada sidii uu ugu qoray ay u qaateen.
“Sedax haween Soomaaliyeed ah oo iyaga oo lanool cudurkaan dilaaga ah kana yimid qurbaha ayaa laba kamid ah ku caafimaadeen markii ay qaadteen daawada hasa yeeshee gabadii kale oo si qalad ah u isticmaashay ay dhimatay.labada gabdhood oo ku caafimaaday, waxa ay tageen Nairobi iyo Dubai waxa ay iska baareen cudurkii waana iska waayen” sidaaa waxaa yiri Dr Yuusuf Suudaani.
Hadalka Dr Yuusuf Suudaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli dunida casriga ah aan wali laga sheegin cid ku guuleysatay in ay soo saarto daawo gabi ahaanba meesha ka saari karta cudurkani, hasa yeeshee taa bedelkeeda ay jireen oo kali ah daawooyin kaalmaati ah
Hadii ay sax noqoto tijaabadaan uu dhaqtarkaani sameeyay ayaa waxa ay noqonayesa Dr-kii ugu horeeyay ee dunidaan casiriga ka keena daawo wax ka tari karta cudurka AIDS-ka oo sanadkiiba malaayiin ruux dunida kudila.
____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com