Uncategorized

Diyaaradaha Caalamka oo Garoonka Muqdisho dhex mushaaxaya & Qiirada Nabada oo macaankeeda(Daawo Muuqaal+Warbixin)

iftineducation.com – Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ka dib garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde International Airport waxa uu in mudo ah u afduubanaan jiray hogaamiye kooxeedyo ka dhigtay xarun ciidan waliba aanan aqoon horumarka Nabada. 

Muuqaal ahaan garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho waxa uu garoomada Caalamka dheeryahay ugana wanaagsan yahay Badii ayaa gees kaga taal waxaana wax yar u jirta Dekada caalamiga ah ee magaalada Muqdisho. 


Aqoonyahano fara badan oo u dhashay dalalka Carabta ama Qaarada Yurub waxa ay horay u sheegeen in Shacabka Soomaaliyeed uu yahay dad dhanka Ganacsiga iyo wax soo saarka aad ugu wanaagsan balse fursadaas badalkeeda uu Dagaal la dagay . 


Nabada magaalada Muqdisho oo in yar jirta waxaa durbadiiba sanado yar ka dib aad u dhismay goobihii Dagaalada sokeeye ku bur buray waliba meel kasta oo magaalada Muqdisho ka mid ah waxa ay noqotay Doog iyo Qurux aad ku soo xasuusaneeyso xiliyadii berisamaadkii . 


Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde International Airport waxaa aad u camiray oo Caalamka ku soo hogaamiyay Shacabka Turkiga oo inta badan looga bartay in ay caawiyaan Walaalahooda Soomaaliyeed ee dagaalada ka soo kobcanaya. 





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com