Uncategorized

DAAWO SAWIRRADA -Sanad Guurrada 69Aad Ee Aas Aaska Ciidammada Booliiska Oo Muqdisho Si Weyn Looga Xusay

iftineducation.com – Sanad guurrada 69aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa si weyn looga xusay maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Munaasabad ballaaran oo loogu dabaal degayey sanad guurrada 69aad ee aas aaska Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay dugsiga tababarka Ciidammada Booliiska General Kaahiye degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxda sare ee Dalka qaarkood sida Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen guuleed, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed Xasan,Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka,Booliiska iyo Nabad Sugidda Qaranka,Gudoomiyaha gobolka Banaadir,gudoomiyeyaasha degmooyinka,saraakiisha Ciidammada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ugu horeyn qeybaha kala duwan ee uu ka koobanyahay Ciidammada Booliiska ayaa kusoo bandhigay barxadda dugsiga General Kaahiye dhoolatus iyo fantisiyo kuwaasi oo ay dadkii goobta ku sugnaa si aad ah u jecleysteen ayadoo sidoo kalena ay Ciidammadu salaan sharaf siyeen Madaxdii munaasabadda ku sugneyd.

Kadib fantasiyahaasi iyo dhuulatuska ay Ciidammadu soo bandhigeen waxaa hoolka shirarka dugsiga tababarka booliiska General Kaahiye ka bilowday Munaasabad taasi oo ay Madaxdu khudbaddo kala duwan ka jeediyeen ayadoo munaasabadaasina ay sidoo kale ruwaayaddo iyo suugaan wadani ah kusoo bandhigeen kooxda fanaaniinta Ciidammada Booliiska ee heegan.

Si kastaba Munaasabadan oo ah sanad guurradii 69aad ee kasoo wareegatay aas aaska Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxey si aad ah uga duwaneyd munaasabadihii kuwan ka horeeyey maadaama xiligan ay Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed si aad ah usoo dhismayaan.





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com