Uncategorized

Daawo Sawiro – Fanaaniin Qurbajoog u Badan oo Habeenka Sanadka Cusub Muqdisho ka Dhigaya Bandhig Faneed Weyn (Yaa Kamid Ah Tolow?)

iftineducation.com –Tan iyo markii ay ka baxday magaalada Muqdisho gacanta dowladii kacaanka uu hogaaminaayey ALLAHA u naxariistee Maxamed Siyaad Barre Muqdisho waxay la saaxiibtay dagaalo sokeeye oo keenay magaaladii caasimada aheyd iney isku badasho duur laakiin wixii ka dambeeyey sanad ka hor markii ay xoogaga Al-Shabaab ay sheegeen iney xeelad dagaal uga baxeen Muqdisho ayaa waxaa ku soo noqotay amni iyo iney magaalada isku furanto taasoo keentay in dad badan ay maal gashadaan.

Magaalada Muqdisho oo xiligaan la ciir-ciireysa dadka Soomaliyeed ee ku noolaa muudo badan qurbaha kuwaasoo ay soo jidatay amaanka soo hagaagay ayaa waxaa magaalada lagu arkayey shaqsiyaad waaweyn oo mudda dalka ka maqanaa kuwaasoo ay soo jiidatay amniga xiligan ka jira magalaada Muqdisho oo la dhihi karo xiligaan waa mid ka amaan fiican caasimado badan oo ku yaalo Yurub iyo waqooyiga Ameerika waxaana maanta moodaa in Muqdisho ay ku soo laabaneyso sidii ay ahaan jirtay bari-samadkii iyadoo amaanka Muqdisho keentay in guryaha kiradooda uu xiligaan gaaray heerkii ugu sareeyay.
Amniga iyo ka jira Muqdisho ayaa keenay in fanaaniin waaweyn oo ka kala imaaan doono aduunka daafahiisa ay habeenka Sanadka cusub ka dhigi doonaan magaalada Muqdisho bandhig faneed loogu magacdaray xoojinta amniga iyadoo tigidhada xaflada lagu gali doonana uu gaaray heerkii ugu sareysay waxayna xafladan ka dhici doonto habeenka sanadka cusub magaalada Muqdisho u noqoneysa mid ku sii dhiiri galin doonto shacabka Soomaliyeed ee qurbaha ku nool inay dalkooda ku soo laabtaan.
Wali ma helin magacyada rasmiga ee fanaaniinta imaan doonto magalada Muqdisho iyadoo dhawaan ay tageen magaaladaasi fanaaniin uu ka mid yahay King Qaalid iyo Fanaaniin kale iyadoona la sugayo kuwa kale oo badan iney maalmaha soo socda gaaraan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan bandhig faneedkaas.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com