Uncategorized

Daawo Sawirada Maalinka Xuska Dameeraha Oo Muqdisho Lagu Qabtay Iyo Shahaado Sharaf Dameer La Gudoonsiiyay (Sawiro + Warbixin)

iftineducation.com – Magaalada
Muqdisho waxaa Maalintii shalay lagu qabtay dabaaldaga Xuska maalin la
sheegay in lee asteeyay Dameerada kaa oo lagu qabtay Mid kamid ah
Hoteelada ugu qaalisan Magaalada Muqdisho.



Xafladan
lagu xusayay Maalinta Dameerada waxaa kasoo qeyb galay Dadweyne kala
duwan ay kujiraan aqoonyahano ,dhalinyaro abwaano kuwaa oo inta badan ku
dheeraaday ka hadlida Maalinta loo asteeyay Dameerada.



Munaasabada
Xuska Maalinta Dmaeerada ee loo asteeyay 16-12-2012 waxaa ka hadlay
Gudoomiyaha Ururka soo qaban qaabiyay Xafladan oo lagu Magacaabo Bashiir
C/laahi Yuusuf kaa oo sheegay in muhiim tahay in la xuso maalintan lana
dhooro Xaquuqda dameeraha lagana yareeyo rarka badan ee lagu Qaado.



Waxaan
Goobta xaflada ka dhaceysay lagu soo bandhigay Dameer si aad ah loo soo
xardhay kaa oo la gudoonsiiyay shahaado sharaf ,iyadooan Xuskan oo ah
mid kucusub dhagaha umada Soomaaliyeed ay aad ula yaabeen
in Maalin gaar ah Dameerada loo asteeyo Xusna loo sameeyo. Daawo Sawirada





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com