Uncategorized

Cawaale Aadan oo ka carooday hees uu qaado Dalmar Yare. tolow heestaas maxey tahay?

Cawaale aadan vs Dalmar Yare
iftineducation.com – Fannaanka caanka ah ee Cawaale Aadan oo ku nool dalka Canada ayaa ka carooday hees uu qaado fannaanka kale ee Dalmar Yare, kadib markii dhalinyaro fadhisay meel marfash ah oo lagu marqaamo ay shideen mid ka mid ah heesaha uu qaado Dalmar Yare.

Cawaale Aadan ayaa si caro leh ugu codsaday dhalinyaradii ay isla fadhiyeen ee shiday heesta Dalmar Yare inay ka damiyaan, isagoo yiri “Waxaani fannaan iyo heesba ma ahan ee naga baqtiiya”.


Dhalinyaradii heesta shiday ee fadhisay majliska (Marfash) ayaa ka jawaabay hadalka Cawaale, waxayna u sheegeen in uusan ku qasbaneyn dhageysiga heesta Dalmar Yare, isla markaana aysan jirin cid xaqiri karto fannaanimada Dalmar Yare.


Cawaale ayaa goobta ka istaagay, isagoo aan macsalaameyn dhalinyaradii kale ee marfashka fadhisay ayuu ka huleelay, halkaasi oo qosol iyo jeesjees ay ka raacday Fannaan Cawaale Aadan.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com