Uncategorized

Baro Sharciyada Jaceylka U Yaalo Si Dhameystiran Iyo Calaamadaha Dhunkashada.

iftineducation.com – Xaalado badan ayaa leh calaamado lagu garto iyo sharciyo loo raaco marka lagu jiro. Jacaylka oo ah xaalad dadku galaan ayaga oo og ama aan ogayn, ayaa isna waxa uu leeyahay calaamado iyo sharciyo. Hore ayaan uga sheekaynay calaamadaha jacaylka, maantana waxa aan idiin haynaa sharciyada jacaylka.
Hadaba halkan hoose ayey shabakada kobciye.com kugu soo bandhigtay sida aad u dhaqmaysid marka aad la socotid seeygaaga ama xaaskaaga.
Dhunkashada dibnaha waxa ay ka turjumaysaa waan ku jeclahay.

Dhunkashada dhinaca dibnaha ee uu ku dheehanyahay dareen = Anigaa ku leh
Dhunkashada dhegta =  waxa aad tahay qof special ah
Dhunkashada sanka = qofka ka qoslin
Dhunkashada dhabanka =  saaxiibtinimo.

Dhunkashada wajiga = niyad u dajin

Dhunkashada qoorta = waan ku rabaa
Dhunkashada garbka = waxa aad tahay cajiib

Meel kale oo aad dhunkato = ka taxadir

Timaha faraha la gal-galiyo =  ma noolaan karo laáantaa
Gacmo qabashada kor loo qaado = farxad
Dhex qabsigu = waan kuu baahanahay ama adigaan ku leeyahay
Habsiin =  waan ku danaynayaa.

Dhegta taabashada = Is kululayn

Isu dhoolo cadayn = waan kaa helaa
Kor uqaadida sunayaasha= is gaad gaadid  ama israa-raajicis
Jeejeedsi = qarin dareenka runta ah
Dibno leefleefis =  isu diyaaris dhunkasho
Ilmayn = waan ku tabay
Ooyin = waa kala tagid

Waxa kale oo jira dhunkashooyin leh turjumaad kale laakiin aan soo galin sharciga jacaylka. Sida ta la yiraa french kiss ama dhunkashada dheer.
Hadaba ha la is dhunkado, ha la isfiiriyo, ha la isu soo dhawaado, gacmaha ha la isqabsado, ha la isa-salaaxo, ha la isu heeso, ha la isu ooyo arimahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa jacaylka ku soo ururay. Jacaylkuna waa arinta dunidan dawada u ah.
Waxaa dhacday in hala isku heeso dadka qaar si kale u fahmaan sida maqaalkii shalay ka baxay shabakada kobciye.com oo aan ku arkeynay fikradaha qaar.
Hala isku heeso ama u hees lamaanahaada lagama wado hees music leh ee waxaa laga wadaa hees qoran ama geeraar jaceyl u tiri, waxaan filayaa hada in aad fahanteen, intii aan horay u fahmin



____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com