Uncategorized

Balotelli saaxibtiis Raffaella waxay ka dalbatay guur.

iftineducation.com –  Gabadha modelka ah ee reer Talyani Raffaella ayaa mar kale soo cusbooneysiiyay arintii u dhexeysay iyada iyo xiddiga Man City Mario Balotelli, waxayna ka codsatay inay isku guursadaan si qaanuun ah.


Raffaella ayaa u sheegtay wargeys laga leeyahay Italy inay Balotelli ugu baaqday inay is guursadaan hadii ay jecelyihiin canugooda.

Waxaa la xusuustaa in super Mario diiday canugaan ka hor inta aan laga qaadin DNA, waxaana kadib la ogaaday in isagu leeyahay uurka Raffaella.

Mario ayaa balan qaaday in masuuliyada canuga qaadayo noqonayo aabo fiican, laakiin guur qasab maaha ayuu yiri.







____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com