Uncategorized

Akhriso qisada Macalimad Geesi aheyd oo Xasuuq ka badbaadisay caruurtii fasalkeeda dhiganeysay iyadoo Nafteedii u hurtay dartood.

iftineducation.com – Victoria Soto oo oo macalimad ka aheeyd iskuulka Sandy Hook ee caruurta dalkaasi Maraeykanka lagu xasuuqay ayaa waxaa ay noqotay gabar caalamka dhan u noqotay tusaale halyeeynimo kadib markii ay badbaadisay ardaydii fasalkeeda dhiganeysay. 
Victoria oo ah 27 jir ayaan ka baxsan fasalkii ay baraha ka aheyd xiligii ay rasaasta ama toogashada uu iskuulka ka bilaabay Adam Lanza oo ah gacan ku dhiiglihii sida arxanka daran u dilay 30 ka caruur , iyadoo ka badbaadisay ardaydeedii kuna xertay armaajo iyo qaanado dhamaan ardaydeeda waxaana ay markii ay qarisay dhamaantood ay sugtay ninkii wax dilayay , iyadoo ku tiri maanta ardeydeydii waxey leeyahiin GYM ama jimicsi oo ma aysan iman iskuulka waxuuna si naxariis darro u dilay Victoria oo iyadu nafteeda u hurtay si ay badbaadiso caruurtii ay wax baraeysay. 
Dadka ku nool magaalada ay kasoo jeedo Victoria ee Stratford Connecticut ayaa u aqoonsaday halyeey iyadoo loogu baroordiiqay laguna xusay good fagaare ah, waxaana loo aqoonsaday inay tahay halyeey nafsadeeda qaaliga ah u hurtay caruur yaryar oo la xasuuqayay, badbaadisayna dhamaan ardaydii galaaskeeda dhiganeysay. 

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com