Uncategorized

Aishawarya Ria Oo Diiday Inay Shumiso Brad Pith (Warbixin Xasaasi Ah)

Aishawarya Ria
iftineducation.com – Aishwarya Rai oo ah Boqorada Quruxda ee Bollywood horeyna usoo noqotay haweeneyda dunida ugu quruxda badan ama Miss World, ayaa waxey sheegtay inay ka biyo diiday dhowr jeer jilitaanka filimaan caan ah oo ay Hollywood-ka Mareykanka usoo bandhigeen kuwaasoo ay ku diiday sababo anshaxa ah maadaama ay ku jiraan meelo la is dhunkanayo ama afka loo galinayo afka ayna la wadaagi laheed dhunkashada jilayaal uu ka mid ahaa Brad Pitt kuwaasoo ay Aishwarya ku gacanseyrtay kadib marki loo soo bandhigay filinkii Troy, arinkaasoo ay Aishwarya ku sheegtay mid aaney qaadan karin.


Hadaba Aishwarya oo ka hadleysay arinkaasi ayaa sheegtay inay diiday aflaam badan oo lagu baryay inay matasho, kuwaasoo oo ay ugu gaabsatay sababo la xeriira anshaxa oo ay sheegtay inay ku aheyn maqsuud oo aysan ka helin  sida filinkii Troy, ee Jilaaga Brad Pitt oo la aaminsanyahay inuu ka mid yahay jilayaasha ay dumarka aadka ujecelyahiin iyo sidoo filimada Hancock iyo Seven pounds uu waday Jilaaga Will Smith.

Brad Pitt oo haatan ah odayga qaba Angelina Jolie ayaa waxaa la sheegay inuu aad ula fajacay diidmada Aishwarya xiligaas uuna sheegay inuu aad ula yaabay in India ay ka mid aheyn dhaqankooda dhunkasahda iyo waxyaabo badan oo kale oo caadi ka ah shineemada Marerykanka.

W/Q Maxamed Sadiiq (Super Boy)

xigasho: shumis.net

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com