Uncategorized

356 Oo Qaba Cudurka HIV/AIDS Oo Sheegay In Ay Iyaga Dhexdooda Is Guursan Doonaan Warbixin Xasaasi Ah


iftineducation.com – Dadka la nool xanuunka HIV/Aids-ka ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay bilaabeen qorshe ay isugu aroosinayaan dadka qaba xanuunkaasi.


Dhowaan ayaa lagu dhowaaqey urur la sheegay in uu kulmin doono dadka qaba xanuunkan, kaasi oo iminka la sheegay in ay xubno ka yihiin 356 qofood oo isugu jira rag iyo dumar.

Gudoomiyaha ururkani ayaa sheegay in ay go’aansadeen in dhexdooda ay iska guursadaan, kadib markii sida uu sheegay ay caqabado kala kulmeen bulshada kale oo cudurka ay qabaan ku faquuqaya.

Dadkani ayaa mararka qaar kaalmo ka hela meelo kala duwan, inkastoo aaney badneyn, waxaana ku jira dad da’ yar oo aan weli guur helin.






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
iftineducationmedia@gmail.com