Uncategorized

Xildhibaan Cabdirashiid “Madaxweyne Xassan Sheekh waa inuu hurdada ka kacaa, uuna si degdeg ah wax uga qabtaa arrinta Kismaayo…”

iftineducation.com – Xildhibaan Cabdirashiid Xassan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda Kismaayo ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka Xassan Sheekh oo ah mas’uulka ugu sareeya ee Qaranka in aanu iska indha tirin xaaladda ka taagan magaalada Kismaayo.

“Madaxweynaha markii la weydiiyey sababta loo soo celiyey wefdigii ay dowladdu u dirtay Kismaayo wuxuu ku jawaabay ma ogi & amni darro darteed ayaa dadkii loo celiyey, taasina wax soconaayo ma ahan, sababta dadkaasi loo soo celiyey cid ka qarsan ma jirto, waxaa soo celiyey askari Kenyaan ah, tillaabo cad ayaana loo baahan yahay hadaaad tahay mas’uulkii dalka ugu sarreeyey tahay” ayuu si kulul u yiri Cabdirashiid, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay ka baxday KMG ayna tahay dowlad buuxda, oo caalamku aqoonsan yahay.

“Madaxweynaha waa inuu hurdada ka kacaa, Kenya ma ka baxeyso dhulkaasi in laga saaro ma ahane, dowladda waa in ay u yeertaa AU, waa la ogaaday qorshaha Kenya ay ku dooneyso in ay degto Kismaayo iyadoo adeegsaneysa daba dhilifyo” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid, wuxuuna intaa ku daray in Keny ay weligeed ku hamineysay qabsashada Kismaayo.

“Xassan Sheekh waxaad tahay madaxii ugu sarreeyey Qaranka labac-labacda intaad iska deyso mowqif cad iska taag arrinta Jubbooyinka, dhulkii waa la gataye waa in la soo celiyaa, kuwa maanta u sacbinaya Kenya berri iyagaa ugu horreeya kuwa ooynaya, waayo dhaqanka lagula dhaqmo jaajuuska ayaa sidaas ah, waddankaagii ayaad qiyaantay, Axmed Madoobe waa dadka ugu horeeya ee Kenyaanka ay qaarajinayaan, qof dalkiisa qiyaanay inuu qiyaamaayo dadkii uu u ruufiyaanayey waxba lama aha” ayuu yiri Cabdirashiid.

“Soomalai oo dhan ayaa kaa sugeysa inaad dalka ka saarto Kenyaan & kaba qaadkooda, Soomaali oo dhan baa rabta kuwa isku giijinaya Kismaayo ee cadowga soo horkacay waa dad qabyaalad dilootay oo doonaya ummad kale oo meesha degan in ay korka kaga fadhiistaan” ayuu yiri Cabdirashiid.





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com