Uncategorized

Xasuuq ba an oo loo geestay Soomaliku nool dalka Etoobiya

Somalida ethiopia
iftineducation.com – Kumanaan katirsan ciidamada ismaamulka
oromada ee ku sugan magaalada beltu ayaa xasuuq naf
iyo maalbaleh u geystay dad xoolo dhaqato soomaalida
itoobiya ah, dadkan soomaalida itoobiya ah ayaa degenaa
degaanada hoostaga magaalooyinka gobolka baali sida
magaalada kurkuri , gindhidh iyo magaalada mashaqadu
ay ka dhacday ee beltu. 
Falkan naxdinta leh ayaa waxaa ka dambeeyey maamulka
roobu, ee qabaliyada beltu, weeraradan ayaa sababay
5 qof oo dhaawaca iyo tira kale oo dhimasho ah, hantidii
oo isagu jirtay 500,000 oo neef oo geel iyo lo’a na
ciidamada ayaa gacanta ku dhigay waxayna ku hayaan
hada isla magaalada beltu, dadkii oo lasoo aruuriyeyna
meel ayaa laysagu keenay oo isla goobta ayaa lagu
hayaaa, in kastoo xoolaha in toodii badnayd la boobay.

sababta falkani u dhacay ayaa waxa uu yahay iyada
oo dhowr jeer oo hore doorashooyinkii wadanka ka dhacayey
layidhi u codeeya oo sheegta in oromo aad tihiin ,
arintaas oo dhowrkii jeerba ay diideen sheegeena in
soomaali nimadu aysan badalmin ,darteed ayey arin
tani ku timid,,

 
Dadkan meesha deganaa ayaa doorashooyin kii hore dowlada
dhexe u cadeyn jirey in ay soomaaalida itoobiya yihiin
,dowlada dhexena ay ku ogeyd, nasiib daro laakiin
waxaa ka gaabisay dawladihii kala duwanaa ismaamulka
soomaalida itoobiya oo dadkaas wax xiriir ah aan la
sameyn 

Dadkan dhibaatadu ay ku gaadhay halkaas ee ciidamadu
ay gacanta ku hayaan oo meel laysagu soowada aruuriyey
oo lalaayay,oo hantidoodiina la boobay wixii soo hadhayna
xabsiyada ku jiraan ayeysan jirin cid u gurmatay,
iyaga oo sugayey in ay gacan ka helaan dawlada dhexe
ee fedraalka ah iyo mida gobolka somalida itoobiya
intaba.

sikastaba ha ahaatee, waxaan ka codsanayaa doowlada
dhexe ee fedraalka ah ee itoobiya iyo mida gobolka
somalida itoobiya ee uu madaxa ka yahay cabdi muxumed
iley, in dadkaas soomalida itoobiya ah ee dhibku uu
ku haysta magaalada beltu ee gobolka baali in gurmad
deg dega ah lala gaaro oo loosoo celiyo xoriyadoodii
iyo maalkoodii.

talaabana laga qaado cidii xad gudubka ku sameysay
lagulana xisaab tamo wixii dhib ah ay geysteen.

war bixintan waxaa diyaariyey gudoomiyaha jaliyada
beesha jidle ee yurub iyo waqooyiga america.

mudane nasteh ahmed ali

emailkiisa kala soo xiriir naseeh1@hotmail.com

ama tel number: 206 430 8578






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com