Uncategorized

Xasan Kursiga Waxaa u Iibiyay Maraykan Wuxuna u shaqeeya Maraykan oo dowladda Qadar ayaa Bixisay..(Daawo Warasysi Xasaasi ah)

iftineducation.com – Qaar kamid ah Aqoon Yahanada Soomaaliyeed ee ku sugan Qurbaha ayaa Aad ugu soo Horjeestay Qaabka oo u dhaqmayo Madaxwaynaha Soomaaliyeed Mudane Xasan Shiikh Maxamuud kuwasi oo ku Eedeeyay in uu dhaqmay si Kalogiis dalka ugu Taliyo . 

Proff Maxamed Siyaad Toogane oo Waraysi Xasaasi ah Bixiyay ayaa Aad ugu Carooday Qaabka uu Madaxwaynaha ula Dhaqmay Beesha Majeerteen Kadib markii uu Jagada Rasul Wasaarinimo u Siiyay Besha Mariixaan Wuxuuna aad ula yaabay Sida uu ula dhamqmayo Beesha Majeerteen Maadaama uu sheegay in Beesha Majeerteen Lasiinayn Jagada Rasul Wasaarino. 


‘’Aniga Ma Ihi Majeerteen Ama Daarood Waxaan ahay Hawiye Laakin Walaalkeey Waxa lagu Sameenayo oo Idabdara ah uma adkaysan karo Soomaalida waxay Tiraahda Dameer oo dameer kale ka gardaran Marka aan Arko Waa Xanaqaa War hadaa xitaa ka dhigto hadii aad Majeerteen Wax u diidayso Sooma wanaagsanayn in Tagto Aad sharafto Dadka Reer Puntland oo aad madaxwaynaha u tahay oo aad ugu farxay Doorashadaada’’ 


Sidoo kale wuxuu Yiri Proff Toogane ‘’Nin Iga Caqli badan oo iga Cilmi badan oo la Yiraahdo Cumar Macalin oo Majeerteen aheen oo Agaaden u dhashay Wuxuu Yiri Sadax waxyaabood hadii ay isku mar ku soo Toosaan oo M ka Bilowdo Aad iyo Aad ayaa u Najaxaysaa Maraykan ,Majeerteen iyo Money hadii aan sadaxdaas isku heli lahaa wax waliba ayaa ii hagaagi lahaa’’ 


Ugu danbayntii Proff Maxamed Siyaad Toogane ayaa aad u cambaareyay Dowladda cusub ee Soomaaliya uu Madaxda ka yahay Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud Wuxuuna Dhaliilay sida ay wax u qeebiyeen wuxuuna Sheegay in Xildhibanada Lacag lagu Iibsaday Markii ay Dooranayeen Madaxwayne Xasan sheikh Maxamuud . 


____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com