Uncategorized

Xalka Qaddiyadda Magaalada Kismaayo:- Jabhadayn mise Maamul Dowladeed? (Warbixin Xasaasi ah)

Kismaayo
iftineducation.com – Magaalla-madaxda Gobalka J/hoose ee Kismaayo, waa magaalladda Saddexaad ee Jamhuuriyadda Somalia, waxaana wada deggan inta badan Qabaa’illadda Soomaalida.

Tan iyo wixii ka dambeeyey Burburkii Dowladdii Dhexe ee Somalia bilowgii sannadkii 1991-kii, waxay magaalladda Kismaayo ehel u noqotay kuna soo jabay Boqolaal Kun oo qof, kuwaasi oo ay saamayn ku yeesheen Dagaalladdii Sokeeye ee sababay burburka iyo in lagu kala irdhoobo.

Hoggaamiye-kooxeedyo u dhashay Goballadda Jubbooyinka iyo kuwo oo ka yimid Goballo kale iyo kuwo ka soo tallaabay Xuduudaha Kenya iyo Ethiopia, ayaa waxay baroosinka dhigteen Magaalladda Kismaayo ee Istaraatijiyadda Dhaqaale, Nololeed iyo mid Deegaameed leh.

Hoggaamiyayaasha Kooxaha iyo kuwa Maleeshiyo Beeleedyadda ah ee isaga kala dambeeyey gacan-ku-haynta Kismaayo iyo Guud ahaan Goballadda Jubbooyinka, waxaa ugu tun weynaa Jeneral Maxamed Saciid Morgan, Yuusuf Mire Seeraar, Kornel Barre Hiiraale, waxaana Maleeshiyooyinka Kooxahaaasi dhex maray dagaallo lagu riiqmay.

Gacan-ku-haynta Magaalladda Kismaayo oo hadba Hoggaamiye iyo Maleeshiyo Beeleed hayinka u hayeen, waxay ugu dambeyntii soo af-jarantay markii Hoggaamiye-kooxeedkii Barre Hiiraale uu isku dhiibay Golihii Maxkamadaha Islaamka Somalia (GMIS) oo iyagu bartamihii sannadkii 2006-dii hilfaha u qaaday Hoggaamiye-kooxeedyaddii ugu weynaa magaalladda Muqdisho.

Kornel Barre Hiiraale, waxa uu dan biday inuu Maleeshiyo ku hubeysn Tekniko iyo Madaafiic fara badan ugu yabooho Golihii Maxkamadaha Islaamka Somalia, si loo dhabar-jebiyo Xubnihii Hoggaamiye-kooxeedydda Muqdisho.

Hanka Hiiraale, waxa uu ahaa inuu ka nabadgalo Gulufkii Maxkamaha iyo inaysan Seeftooda qaadin Maamulkiisa k arrimin jirey Kismaayo.

Xaalladda waxay isbedeshay, markii ay Kooxda Alshabaab curatay, iyadoo Kooxdani madax u yahay Axmed Cabdi Godane (Abuu Subayr), kaasi oo xilligii Maxkamadaha ahaa Taliyihii Maleeshiyadda ilaaladda u ahayd Wafuudda Shisheeyaha ee Xilligaasi booqashadda ku imaan jirtey Muqdisho.

Maleeshiyadda Alshabaab oo iyagu mar gacanta kiu hayn jirtey inta badan Goballadda Koonfurta iyo kuwa Dhexe ayaa waxay la wareegeen Maamulka Kismaayo.

Hoggaamiye-diimeedka Sheekh Axmed Islaan (Axmed Mdoobe) ayaa isagana bilaabay inuu unko Ururka Raas Kambooni oo ay xubno ka yihiin Maleeshiyo sooc ah ay isku hayb yihiin, kadibna waxa uu Isbahaysi la samaystay Alshabaab, oo iyagu ku tixgeliyey Kornel Xasan Turki oo ku beel ah Axmed Mdoobe.

Maleeshiyooyinka Axmed Madoobe, waxay markii dambe isku dhaceen Maleeshiyadda Alshabaab, kadib, markii la isku qabtay dhinaca Maamulka iyo Dhaqaalaha ka soo xeroonayey magaalladda Kismaayo, gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda.

Murankaasi ayaa waxa ugu dambeyntii sababay ina Maleeshiyadda Raas Kambooni looga itaal roonaado Kismaayo, kadibna waxa u kala yaaceen Dhulka Hawdka ee Jilib iyo qeybo kale, halka Axmed Madoobena uu maciin mooday inuu ku biro Ururkii Xisbul-islaam.

Hoggaamiyaha Xisbul-islaam, Kornel Xasan Daahir Aweys, waxa uu gabaad siiyey Axmed Madoobe, oo ka mid noqday Madaxda Xisbul-islaam.

Xilkaasi ayaa waxa uu isaga soo cararay, kadib, markii Hoggaanka Alshabaab uu si khasab ah u afgembieyy Ururkii Xisbul-islaam, kuna khasbeen in Maleeshiyadda iyo hubka Xisbul-islaam lagu soo wareejiyo Hoggaanka Alshabaab.

Sheekh Axmed Madoobe, waxa uu kadib bilaabay inuu boorka ka jafo Ururka Raas Kambooni iyo inuu isugu habar wacdo Maleeshiyadda Beeshiisa, oo intooda badan ka soo tallaabay dhulka xuduudaha ee Soomaalidu degto.

Isbahaysi inuu la yahay Dowladdii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif ayuu shaaciyey, iyadoo sheegashadaasi ahayd inuu ku awr-kacsado hankiisa ku aadan inuu mar kale gacanta ku dhigo magaalladda Kismaayo.

Bishii Oktober ee la soo dhaafay markii ay Ciiddamadda Isbahaysiga u suurtogasshay inay Maleeshiyadda Alshabaab ka saaraan Kismaayo, ayuu mar kale Axmed Madoobe iska arkay Muraayadda Mamulka Jubbooyinka, taasi oo ugu dambeyntii sababtay inuu la soo baxo Awood Cusub iyo inuu isku haysto in Ururkiisa oo keliya looga amar qaadanayo Xalka Jubbooyinka, siiba magaalladda Kismaayo.

Tallaabadda cudud-sheegashadiisa ayuu isbuucii hore tijaabiyey, kadib, markii uu Guddi Khubatto ka socday Dowladda, Suxufiyiin iyo Taliska AMISOM uu u diiday inay gudaha soo galaan Kismaayo.

Falkaasi oo weji-gabax ku noqotay Madaxweynaha Dowladda curdanka ah iyo Taliska AMISOM ayaa keentay Su’aal Siyaasadeed iyo in la hadal hayo Awoodda gacanta ku haysa Maamulka Kismaayo iyo guud ahaan Jubbooyinka.

Cudud-sheegashadda Koowaad ee Raas Kambooniyiinta ayaa u muuqat mid figta sare kaga jirta Hawlaha lagu xalinayo Qaddiyadda Kismaayo, iyadoo Ciiddanadda Dowladda Somalia iyo kuwa Kenya sacbooley ka noqdeen Maamulka Kismaayo.

Siyaaasiyiinta Qaranka iyo kuwa ka soo jeeda Jubbooyinka, siiba Kismaayo ayaana gaashaanka u daruuray Damaca

Siyaasadeed ee Axmed Madoobe, oo isagu haatan u xuubsiibtay Hoggaamiye Kooxeed Cusub oo caqabad ku noqon kara in

Xal loo helo Qaddiyadda Guud ee Goballadda ay Maleeshiyadda Alshabaab maamulaan iyo Xalka Kismaayo, oo la og yahay inay tahay Magaallo Soomaaliyeed oo asal ahaan la og yahay Qabaa’illadda wada deggan.

Si kastaba ha ahaatee, Xalka Qaddiyadda Kismaayo ayaa u baahan in loo wajaho Nidaam Dowladood iyo Wada Tashi beeleed, waxayna isfaham la’aan ka dhalata Maamul-u-samaynta Goballadda Jubbooyinka horseedi karta in dagaal Beeleed iyo mid Jabahadeyn madaxa lala galo.

WQ. Cali Maxamed Jumcaale ‘Cali Ooyaaye’
Email:- alioyaaye@hotmail.com






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com