Uncategorized

Wiil Gabar isku Badalay iyo Gabar Wiil Isku Badashay oo Jaceel Aan Caadi ahayn Dhaxmaray (Daawo Muuqaal ahaan Dhacdadaan)

Jeceyl
iftineducation.com – Jaceyl la yaab leh oo u dhexeeya wiil iyo gabar aan caadi ahayn ayaa
waxaa la sheegay inuu soo jiitey indhaha caalamka islamarkaana uu qaar
badan oo ka mid ah dadka caalamku ay la yaabeen sheekada lamaanahaas aan
caadiga ahayn. 

Daawo Muuqaal ahaan Dhacdada Aduunka aad Loo Hadal Hayaan

Katie Hill oo hada ah gabar 18 sano jir ah laakiinse horey u ahayd wiil
iyo saaxiibkeed Arin Andrews oo asagana ah hada ah wiil 16 sano jir ah
horeyse u ahaa gabar oo u dhashay dalkaas Ingiriiska ayaa waxay yihiin
lamaane aad iyo aad isu jecel, laakiin arinta la yaabka leh ayaa waxay
tahay in gabadhaas lagu magacaabo Katie Hill ay ku dhalatey wiil ahaan
oo lagu magacaabi jirey Luke laakiin ay isku sameysay qaliin oo ayan
iska dhigtey sidii gabar oo kale halka wiilka saaxiibkeed ah ee lagu
magacaabo Arin uu asaga ku dhashay gabar ahaan laguna magacaabi jirey
Emerald laakiinse uu asagana isku sameeyey qaliin oo uu badaley
jinsigiisii gabarnimo uuna iska dhigay nin arintaas oo noqoneyso mid
yaab lah maadaama labada qof ee lamaanaha ah uu mid waliba ahaa jinsiga
kale uu hada la yahay saaxiibkaas taasna ay keentay inay warbaahinta iyo
dadka caalamku ay arintaas hadal heyso oo ay si aad iyo aad ah ay uga
faaloodaan.

Ugu dambeyntiina iyadoo lamaanahaan oo sida la
sheegay xiriirkoodii ugu horeeyey ay ku kulmeen xarunta dhaqtar kiliniga
ee lagu badalo jinsiyada dadka oo ku taala magaalada Tulsa, Oklahoma
ee dalkaas Mareykanka taas oo mid waliba lamaanahaasi uu damacsanaa inuu
xaruntaas isugu sameeyo qaliin uu jinsiyadiisa ku badalaayo ayaa wixii
kulankaas ka dambeeyey waxaa dhex marey xiriir joogto ah oo ugu
dambeyntiina sababay inay noqdaan lamaane iyadoona uu hada lamaanahaas
uu mid waliba qaabkiisa uu noqday waxaa uu isku badalay oo ayan adag
tahay in la garto waxa uu markii hore ahaan jirey, lamaanahaan ayaa
waxay sheegeen inay yihiin kuwo ku faraxsan isbadalkoodaas iyo
noloshooda ayna yihiin lamaane isku qalma.






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com