Uncategorized

Warqada been abuur ah oo laga helay xafiiska agaasimaha lagu muransanyahay eek u saabsan saafarada Soomalida ee dalka Masar

iftineducation.com – Safiirka soomalida dalka
masar oo warqado been abuur ah uu xilka uga qaadayo
qunsulka safaarada Soomalida ee dalka Masar ka soo
sameeystay magaalada muqdisho mar uu safar ku tagay.
Warqadahaan been abuurka ah ayaa waxaa
ku saxiixnaa Agaasimaha la isku heeysto waqtigiisana
dhamaaday oo aan awood u laheyn inuu cid magacaabo
ayada oo ay taas meel ka dhac ku tahay anshaxa Diblumaasiyada
Soomaliya.

Sida ku cad warqada been abuurka ah uu soo qoray
Agaasimaha lagu muransanyahay ayaa ku began taariqda
20/10/2012,iyada oo aan horay idin kuugu soo gudbinay
in taariqda la jabsaday Xafiiska Qunsulka iyo Xafiiska
waaxda socdaalka iyo jinsiyada ey aheyd 24/10/2012
,ulajeedka labadaas xafiis loo jabiyayna eey tahay
warqada been abuurka ah ee laga soo sameeystay Agaasimaha
lagu muransanyahay ee wasaarada arimaha dibada ee
ku shuqeeya musuqmaasuqa.

Su’aasha meesha taal ayaa waxay tahay Agaasime ma
magacaabi karaa Qunsul mise maamulkii dowlada Soomaliya
ayaa god galay?

 

Halkaan
hoose ka aqriso dikumentiga sirta ah 

 

Wixii dhacay 24kii bisha oo laga
sugayay in dowlada Soomaliya eey baaritaan sameeyso,cadaaladana
horkeento cidii ku lug laheyd miyaa wasaarada arimaha
dibada isticmaaleysa maamulkii KMG ahaa ee la joojiyay
kuna ekaa 20 agoosto ,ayada oo agaasmihan waliba
usoo magacaabay ragii ku lug lahaa falkii jabinta
xafiisyada

Safiirka safaarada soomalida dalka
masar oo lahaa amarka lagu jabiyay xafiisyadan aan
soo xusnay warqad been abuur ahna ka heeystay Agaasimaha
wasaarada arimaha dibadan ayaa dhankiisa warqad
u qoray wasaarada arimaha dibada masar
waxaa kale oo olole xoogan loogu jiraa
sidii loo furi lahaa xafiiskii baasaboorada ayada
oo an la sameyn wax baaritaan ah wixii dhacay ,taasina
waxay dhibaata ku keeni doontaa baasaboorada la
bixin doono.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com