Uncategorized

Technology : Gabdho Nigerian ah oo iqtiraacay dab dhaliye ku shaqaynaya kaadida dadka Daawo Sawiro

 

iftineducation.com – Duro-Aina Adebola, Akindele Abiola, Faleke Oluwatoyin oo 14-jir ah iyo
Bello Eniola oo 15 jir ah ayaa waxa ay soo bandhigeen matoor cusub oo ku
shaqeynaya kaadida aadanaha.

Gabdhahana ayaa matoorkan oo dab dhaliyaha ah waxa ay ku soo bandhigeen
carwo lagu qabtay magaalada Lagos 5tii iyo lixdii bishan.

Matoorkan ayaa sida la sheegay waxa kaadida dadka loo bedelayaa
nitrogen, biyo iyo hydrogen. Iyadoo marka dambana matoorku uu ku
shaqeynayo.

Hal litir oo kaadi dad ah ayaa waxaa uu matoorkan ku shaqeyn karaa muddo lix saacadood ah isagoo soo saaraya koronto xoog leh.

Erik Hersman oo gabdhahan taageere siiyay ayaa ku timaamay guul iyo horumar laga gaaray sidii loo soo saari lahaa matoor aan

u baahnayn shidaal.

In kabadan kala bar dadka reer Nigeria oo tiradoodu gaareyso 162 malyan ayaan heli karin koronto ay isticmaalaan maalin walba.

Waxana dowlada Nigeria laga codsaday in ay ka dhigto wax gaar loo
leeyahay adeegga korontada ayna horumariso qalabka duugoobay oo ay hadda
u isticmaasho dhalinta quwadda korontada.

 
Dab dhaliye kaadida ku shaqeynaayo
 

Matoor Kaadida kushaqeeyo





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com