Uncategorized

Tahriibayaal Fara Badan Oo Gaaray Xeebaha Jasiiradda Malta.

Tahriibayaal soomaali oo malta gaaray
iftineducation.com – Muhaaijiriin Soomaali ah oo ka soo baqoolay Dalka Liibiya ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa ay gaareen Jaziiradda Malta.
Tahriibayaashan
Soomaalida oo tiradooda lagu sheegay illaa Todobaatameeyo ayaa waxa ay
ka soo gudbeen Biyaha u dhaxeeya Liibiya iyo Maalta kuwaasoo Safar Qatar
badan soo maray iyagoona watay Doonyaha ka samaysan Buufinada.
Saraakiisha
Badda ee Dalka Malta ayaa sheegay in tahriibayashan Soomaalida u badan
qaarkood in ay xanuunsanayaan ka gadaal markii ay soo mareen Badda oo
xiligan qabow daran uu ka jiro kuwaasoo la sheegay in durababa la
gaarsiiyay Goobaha Caafimaadka.
Sarkaal
ka tirsan Ciidamada Badda ee Malta ayaa sheegay in xiligan mararka qaar
Baddu Barafowdo Muhaajiriinta soo gaarayana ay qaarkood dhintaan inta
ay soo gaarin Jaziiradaas isagoona ka digay in Tahriibayaashu xiligan
aysan naftooda ku soo biimeyn baddaas.
Dhawaan
ayay ahayd markii Tahriibayaal gaaraya illaa Sagaashan oo ka anababaxay
Dalka Liibiya ay kula qaliban tay Doonidii ay wateen Biyaha u Dhaxeeya
Talyaaniga iyo liibiya halkaasoo tiro aad u badan oo tahriibayaashii ah
ay ku dhinteen halka tiro aad u yerna laga bad baadiyay.
In
kastoo xaaladahaas khatarta leh ay halkaa ka jirto ayaa haddana Liibiya
waxaa ku sugan Soomaali aad u fara badan kuwaas oo u diyaarsan in ay
Badda galaan una tahriibaan Talyaaniga.
Si
kastaba waxaa maalmihii la soo dhaafay isa soo tarayay Tahriibayaasha
ka baxaya Dalka Liibiya una sii gudbaya Dalka Talyaaniga wallow
Xukuumadda Liibiya ay xabsiyada dhigtaya Boqolaal Tahriibayaal Soomaali
iyo Afrikaan kale isugu jira kuwaasoo iminka ku xir xiran xabsiyada
Liibiya.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com