Uncategorized

Taargo baabuur oo la sheegay inay dhalisay muran iyo is qab qabsi weyn ka dib markii ay cabasho weyn ka muujiyeen dadka muslimiinta ah ..

iftineducation.com – Taargo baabuur ayaa waxaa la sheegay inay dhalisay muran iyo qabsi qabsi weyn ka dib markii ay taargadaas ay cabasho weyn ka muujiyeen dadka muslimiinta arintaas oo keentay in laga mamnuuco baabuurkaasi inuu qaato taargadaas. 

Baabuurkaan oo uu leeyahay nin milatari ah oo lagu magacaabo Sean Bujno ka soo qeyb qaatey dagaalka ciidamada dalka Mareykanka ee dalkaas Ciraaq oo ku nool magaalada Chesapeake, Virginia ee dalkaas Mareykanka ayaa taargada baabuurkiisa waxaa uu ka dhigtey qoraalka ah “ICUHAJI” ama loo aqrin karo “I see you, Haji.” taas oo macnaheedu yahay (Xaaji waan ku arkaa ama Xaaji waan kuu jeedaa) arintaas oo ay ka caroodeen muslimiin badan oo ku nool magaaladaas iyo agagaarkeeda islamarkaana ay ka muujieen cabasho keentay in ay heyda baabuurta ee dalkaas Mareykanku ay ka mamnuucdo ninkaas isticmaalka taargadaas, Ereygaan Xaaji oo sida badan ay dadka Soomaaliyeed u yaqaanaan dadka Soo xajiya ayaa ciidamada Mareykanka ee ka howlgala wadamada islaamka sida Ciraaq iyo Afghanistaan waxay mar walba u isticmaalaan dhamaan raga wadmadaas si bahdilaad ah oo ayna ku yisaayaan asagoona ujeedka ninkaan uu arintaas ka lahaa ay ahayd dhaqankiisii xilligii ku sugnaa wadanka Ciraaq oo uu isticmaali jirey waan kuu jeedaa Xaaji ee waxba ha isku dayin inaad aniga i qiyaani kartid.


Ugu dambeyntiina iyadoo cabasho ka dib ay arintaas mamanuucday waaxda qaabilsan arimaha baabuurta ee dalkaas Mareykanka ayaa sidoo kale waxay waaxdaas ay sanadkii 2007 ay ninkaas ka diiday inuu isticmaalo taargo baabuur oo ahayd ama u qorneyd “HAJIKLR” ama HAJI KILLER oo macnaheedu yahay dilaaii xaajiga, ninkaan oo u muuqdo cunsurinimo uu u haayo dadka muslimiinta ah ayaa waxaa sida uu warku sheegaayo uu markii dambe ku guuleystay in loo ogaolaado isticmaalka taargadaas arintaas oo ay ogolaatey maxkamada sare ee dalkaas Mareykanka iyadoona waaxda baabuurta loo sheegay hadeysan heynin sabab kale oo cusub ay ninkaas u fasaxdo isticmaalka taargadaas baabuurkiisa. 

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com