Uncategorized

Soomaliya iyo Jabuuti oo kaalmaha hore kaga jira wadamada carabta ee dadkiisu qabaan Virus-ka HIV

Aids
iftineducation.com – QM ayaa isniintii shalay soo saartay dadka qaba Fayriska HIV dalalka carabta oo ay ku jiraan Soomaliya iyo Jabuuti iyo kuwa kale.

Waxaa ay sheegtay QM in cuduradaas ay qabanaan dad ka badan dadkii la malaynayay in dalalka Islaamka ay Virus-kaas la jiran yihiin.
” Tirada dadka waaweyn iyo caruurta la dhoon HIV, ayaa ka badan intii la filayay, waxaana intii udhaxeysay 2001-dii iyo 2009-kii ay gaarayeen inta udhaxeysa 180,000 ila 470,000 ruux,” sidaas waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’ada QM hoostagta ee UNAIDS.
Tiradan aya lagu soo bandhigay kulan ka dhacay magaalada Riyad, iyadoona lasheegay in ay sii kordhayaan tirada dadka cusub e cudurkas qaadaya wadamada carabta.
Sidoo kale waxaa la sheegay in tirada dhimashada ay ad usii kordhayso, waxaana lagu sheegay 8,000 sanadkii 2001 halka 2009-kina ay ahayd 24,000.

Wadamada Djibouti iyo Somalia, ayaa xadi ahaan dadka uu saameeyay Virus-kan waxaa lagu sheegay 2.5% halka dalalka kalana ay yihiin 0.7.
“tani waa mid muujinaysa wal wal ad uxoogan, waana in si deg deg ah looga jawaabaa” ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulankii wadamada carabta ay arintan ka yeesheen.
Caalamka ayaa waxaa Virus-kan HIV uu hayaa dad gaaraya 2.5 million sanadkii lasoo dhaafay oo kaliya, sanadkii 2010-ka ayaa waxaa cudurkan qaaday dad gaaraya 2.6 million.





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com