Uncategorized

Sicir barar ka dilaacay 4 Dal oo Qaarada Yurub ku yaal & Haweeneey si Live ah u weerartay Ciidamo Booliis ah (Daawo yaabka dhacay) !!

iftineducation.com – Qaar ka tirsan dalal ku yaala Qaarada Yurub ayaa waxaa ka dilaacay Sicir barar xoogan oo ugu dambeeyntii sababay shaqo la´aan baahsan taas oo si weeyn iskaga hor keentay Shacabka dalalkaas iyo Ciidamada Booliiska.

Shirkado badan ayaa yareeyay dadkii u shaqeeyn jiray waxaana dhacday in dadku ku yaacaan dhanka Dawlada iyo ciidamada Booliiska.

Dhaqaalo xumada ka jirta Qaarada Yurub oo guud ahaan dalal badan laga dareemay ayaa waxaa ugu liita ama ugu daran Wadamada Giriiga,Portugal,Spain iyo Italy.

Afartaan dal oo Dhaqaalo xumo xoogan ay soo wajahday ayaa maalin kasta waxaa ka dhaco dhibaatooyin halis ah weliba u dhaxeeya Shacab careeysan iyo Ciidamada Booliiska.

Haweeney careeysan ayaa si La yaab ah waxa ay u weerartay Ciidamo fara badan oo Booliis ah balse Haweeneeydii ayaa dhexda la gashtay oo Beerka laga tumay.




____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com