Uncategorized

Shidaal baaristii Puntland ka socotay oo hakad ku yimid ka dib markii ay sheegeen shirkadihii baarayey…

Calanka Puntland
iftineducation.com – Waxaa horaantii bishan aynu ku jirno ee November si rasmi ah u soo gabagaboobay howlihii shidaal baarista ahaa ee ay shirkadda Africa Oil ka waday ceelalka Shabeel-1 iyo Shabeel-2 ee dooxada Dharoor ee gobolka Bari ee maamulka Puntland, shirkaddii howsha qodaalka qandaraaska kaga qaadatay Afrika Oil oo lagu magacaabo Sakson Drilling lagana leeyahay dalka Masar ayaa gebi ahaanba raratay qalabkii ka yaalay Puntland, iyadoo sidoo kale goobihii howshu ka socotay ay xilligan yihiin kuwo maran.

Wararka aynu helayno oo ah kuwo laga soo xigtay qaar ka mid ah shaqaalaha mashruucan ku howlan ayaa waxay sheegayaan in natiijada la gaaray ay tahay mid aad uga yar rajadii la qabay ka hor intii aan howsha la bilaabin 16-kii bishii Janaayo ee 2012-ka, ceelka Shabeel-1 oo hoos u qodan in ka badan 3.5-km, waxaa baaritaano  hordhac ah lagu ogaaday in Shidaal loogu tegi lahaa haddii laga gudbo lakab adag oo dhagax ah {Dhadhaab}, dhumucdiisuna ay dhowr boqol oo Miter tahay, kaas oo ay suurtagal noqon weyday in qalabkii markaas la adeegsanayey ay si fudud ku duleeliyaan.

“Wejigii koowaad wuu dhamaaday, waxaa iman doona shirkado kale oo howsha halkaas kasii wadi doona, shirkadda Sakson howsheedu intaas ayey ku ekayd, shirkado kale oo riigag waa weyn leh ayaa la filayaa inay yimaadaan” ayuu yiri mid ka mid ah howl-wadeenada mashruuca oo ka gaabsaday in magaciisa la baahiyo, kaas oo intaasi ku daray “Shabeel-2 oo bilihii u dambeeyay qodaalkiisa lagu howlanaa, isla markaasna la qoday in ka badan dhererka Shabeel-1, waxaa qodaalkiisa la joojiyey ka dib markii la waayey calaamad muujineysa in wax Shidaal ah loo tegi doono haddii intaas in ka badan hoos loo sii socdo”

Sanadka soo socda ee 2013-ka bartamihiisa ayaa lagu wadaa in mashruuca shidaal baarista Puntland loo wareejiyo dooxada Nugaal ee gobolka Nugaal. Dooxadaas oo sahan horay loogu sameeyey lagu ogaaday in keyd shidaal oo badni uu dhex ceegaago, mashruuca shidaal baarista Puntland oo in muddo ah soo socday, dhowr marna hakad galay, ka dib markii khilaaf soo kala dhexgalay dowladdda Soomaaliya iyo Puntland, wuxuu noqday kii ugu horeeyay ee guud ahaan dalka laga bilaabo, wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com