Uncategorized

Qaxooti Soomaaliyeed oo Ciidamada Meleteriga Yemen ay kulaayeen koofurta dalkaasi kadib rasaas arxan darro ah oo ay kufureen.

iftineducation.com – Wararka laga helayo gobalka Laxja ee koofurta dalka Yemen ayaa waxa ay xaqiijinayaan in ciidamada amaanka ee dalkaasi ay rasaas hu wiyeen gaari ay lasocdeen qaxooti Soomaaliyeed, halkaas oo ay kadhasheen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sedax qof ayaa dhimatay shan kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii askartaanti ay gaariga oo kudhawaa bar kantarool oo ay leyihiin rasaasta kufureen iyaga oo aan wax digniin ah siinin, inkasta oo ciidamadu ay sheegeen in ay ku qaldameen oo ay u filayeen kooxaha mucaaradka ah ee ku kacsan dowlada Yemen.


Soomaalidii ku dhaawacanta shilkaasi ayaa lageeyay usbitaalada dalka yemen si loo daweeyo iyada oo kuwii geeriyoodayna lashegayo in lagu aasay gudaha dalkaasi.


Soomaalida qaxootiga ku ah gudaha dalkaasi ayaa waxa ay cabasho ka muujinayaan dhibaata ay kuhayaan ciidamada yemen tan iyo markii uu bilaawday dagaalkii xooganaa ee Xuutiyiintu ay kala hor tageen Ciidamdaa Xukumadda Sanco.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com