Uncategorized

Nin Soomaali ah oo Gacanka ka jaray Haweeney South African ah.

iftineducation.com – Magaalada Delf ee duleedka Magaalada Cape Town ayaa nin Soomaali ah oo dukaan halkaasi ku heysta ayaa lagu heystaa dacwad la xariirta in uu gacanta  ka jaray haweeney kalyanti u ahayd oo sigaar ka iibsanaysay dukaanka.

Wararka halkaasi ka imanaya waxa ay sheegayaan in ninka Soomaaliga ah iyo haweeneyda oo magaceeda lagu sheegey Louisa Davids uu dhexmaray muran, kadibna dagaal dhexmaray uu ninkii Soomaaliga ah gacanta  kaga jaray baangad uu ku dhuftey.

Arintaasi ayaa waxaa ku marqaati furay dadka degaanka oo shegay in ay arkayeen balse ninka Soomaliga ayaa banaanka ku jooga damiin lacageed isla markana maxkamada ka balansan marka uu dhamaado sanadkani.

Abuukataha muwaadinkani Soomaliga ah ayaa ku doodaya in ay arinta tahay been abuur isla markana naagtana gacanta qof kale ka jaray oo ay qarinayso sidaasi darteed ay u saarinayso Soomaalida oo ganacsiyo degan ku heysta dalkani South Africa.

Davids ayaa isbitaalka loola cararay, lama garanayo waxa ka dhalan kara arrintaasi xili dhacdooyin noocan oo kala oo dalka ka dhacay ay dhaliyeen carro baahsan oo Soomaalida lagu waxyeeleyey.




FIKIRKAAGA KU XUS BARTA HOOSE ADIGOO MAHADSAN.
____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com