Uncategorized

Muqdisho oo gaadiidku ku soo badanayo iyo ciidamada ilaalada wadooyinka oo qaati kataagan.(DAAWO SAWIRRO)

iftineducation.com – Tan iyo markiii xasiloonidu dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa kusoo badanayay gaadiidka, haba u badnaadaaano kuwa gaarka looleeyahay arintaas oo keentay in ciidamada anaaka wadooyinku ay kujaha wareraan.

Waxaa lagu arkayaa gaadiid fara badan oo mararka qaar wadooyinku u xirmaan gaar ahaan wadada mashquulka badan ee Maka Almukarama taas oo ah wadada ugu muhiimsan caasimada dalka Soomaaliya.


Gaadiidka ayaa lasheegay soo badashadiisa in ay sabab u yihiin waxyaaba badan oo ay ugu muhimsanyihiin amaanka iyo dad hantiilayaal ah oo dalka kusoo laabanaaya, hasa yeeshee arintaasi waxa ay aad caqabad ugu noqotay ciidamada loo yaqanno taraafikada ee kashaqeeya habsami u socodka howlaha wadooyinka.


Dalka Soomaaliya in kabadan labaatan sano malaheyn dowlada dhexe oo salbaraan taas oo soo celisa amaanka iyo kala danebyta, waxaana kadhashay in darawada gaadiika kaxeeya inta badan aysan aqoon sharciyada wadooyinka, aysanna aqoon tilmaamaha uu bixinayo askariga wadada taagan.

Mararka qaar waxaa dhacda in darawaladu ay gaadiidka ku kexeeyaan sedkii loogu tala galay mid aan aheyn arintaas oo shil sababi karta.


Mid kamid ah ciidamada wadooyinka oo xilli uu ku mashquulsanaa kalahagida gaadiidka lahadlay iftineducation ayaa waxa uu xaqiijiyay in ay qaati kataaganyihiin gaadiidka tirada badan iyo darawakada qibrada yar, waxa uuna kacodsaday wasaaradaha kushaqada leh in ay kashaqeeyaan qaabkii darawalada loobari lahaa shuruucda wadooyinka.














____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com