Uncategorized

Maxkamad ku Taala Mareeykanka oo 25-sanoo ku Xukuntay Soomaali Dilay Somali kale

iftineducation.com – Maxkamad ku taala wadanka mareeykanka ayaa 25 sanoo xarig ah waxay ku
riday Cali Maxamed Maxamuud, oo horay udilay wiil ay dhashay xaaskiisa.
 
Maxkamada magaalada Buffalo ee gobolka New Yorka, ayaa ninkaan gacan ku dhiiglaha ah ku xukuntay 25 sanoox arig ah.
Maxkamada xukunka ku riday ninkan ayaan wali soo saarin sharaxaad iyo
faah faahino dhab oo ku saabsan qaabkii loo dilay C/fitaax Maxamuud oo
10 sano jir ahaa.
Eedeeysane Cali ayaa dilay wiilka ay dhashay xaaskiisa 17-kii Abril
ee sanadkaan, waxana dilka wiilka yar uu u adeegsaday fiilada korontada
ilaa ay nafta ka dayso.
Dilka wiilkan yar ayaa yimid kadib markii uu C/fitaax ka cararay
adeerkiisa kadibna adeerkii inta uu kadaba orday soo qabtay, waxaana uu
afka uga buuxiyay Iskaalshooyin kadibna uu ku marjiyay fiilo ilaa uu
kadhinto.
Qareenada difaacaya dilaagan ayaa ku doodaya in Cali uusan dooneen
inuu dilo wiilka ay dhashay xaaskiisa balse uu aad u carooday dabadeedna
uu lumiyay Contorolka.





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com