Uncategorized

Maxaad kataqaan ragga aduunyada ugu qanisan (aqriso lacagta ay heestaan inta ay la egtahay oo Daawo sawirada qaar kamid ah dadka ugu hantida badan dunida)

bilgate
iftineducation.com – Waxaan soo qaadanay qaar kamid ah hantiilayaasha dunida ugu lacagta
badan iyo sawiradooda waxaana sawiradoodu u kala sareyn doonaan sida ay
u kala lacagta badanyihiin.

Ninka ugu lacagta badan dunida waxa uu yahay Carlos Slim Helu oo kasoo
jeeda dalka Mexico waxa uu leyahay shirkad isgaarsiineed waxaana
lacagtiisa lagu sheegay $69 bilyan iyo 72 milyan.

Qofka labaad waxaa noqday Bill Gates, oo kasoo jeeda dalka mareykanka
kaas oo hantidiisa lagu sheegay $61 Bilyan 57milyan ninkaani waxa uu
leeyahay shirkadda Microsoft.

Kaalinta sedaxaad waxaa kujira Warren Buffet oo isna kasoo jeeda
mareykanka kaas oo hantidiisa lagu shegay $44 Bilyan iyo 82milyan.
Ninkani waa milkiilaha Berkshire Hathaway.

Bernard Arnault ayaa kaalinta afaraad cariirsaday waxaana lacagta uu
leeyahay lagu sheegay $41 Bilyan 63 milyan. Ninkani waxa uu kasoo
jeedaa faransiiska waxa uuna leeyahay shirkadda LVMH.

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com