Uncategorized

Maxaad kala socotaa Hadal heynta ugu badan ay hadal hayaan Shacabka Magaalada Muqdisho (Warbixin)

Mogadishu City
iftineducation.com – Magaalada Muqdisho ayaa maanta iyo shalay waxaa aad looga hadal hayaa
Ansixintii Golaha Wasiirada Tirada yar uu soo dhisay R/Wasaare Cabdi
Faarax Sheyrdoon (Saacid) taa oo dad badan shaki galinayeen in ay
ansixinayaan Baarlamaanka Soomaalia oo horey ugu sii biro tumanayay in
ay ridayaan.

Shalay ayey aheed markii si lama filaan ah Baarlamaanka Soomaaliya cod
aqlabiyad leh ku ansixiyeen Golaha Wasiirada iyadoona dad badan ay aad u
hadal hayaan lana yaabeen Xildhibaano tiro badnaa oo aad uga soo
horjeeday Xukuumada una ololeenayay in ay ridaan oo mar qura gacmaha
wada taagay kalsoonidana siiyay Xukuumada..

Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/Wasaaraha ayaana kaarto culus ku meel
mariyay Xukuumada Cusub iyagoona xildhibaanada qaarkood ay laaluusheen
halka xildhibaano kale iyana lagu qanciyay in beelahooda lasiin doono
Xilal muhiim sidaa darteed laga codsaday ion ay Meel mariyaan Xukuumada
Cusub.

Magaalada Muqdisho ayaan aad looga hadal hayaa in Dowlada uu Hogaamiyo
Madxaweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka gudubtay caqabadooyinkii ugu adkaa
ee ku horgudboonaa hadana ay tahay mid aan sinaba looga hor imaan karin
iyadoona tii ugu darneedee laga cabsi qabay aheed in Baarlamaanka ay
ansixin waayaan Xukuumada tirade yar.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaan aad u hadal haya Xukuumada Cusub ee
tirada yar iyagoona aad usoo dhaweenaya markaad kala sheekeesato waxaa
sidoo kale jira dad tiro yar oo iyaguna dhaliilaya Xukuumada kuwaa oo
kuu sheegaya in beeshooda la qadiyay laakin sida kale Dowlada ay tahay
mid wanaagsan.

Waxa ayna Shacabka Magaalada Muqdisho aad u hadal hayaan Xukuumadan
Cusub maxey kaga duwanaan kartaa Xukuumadihii hore ee tirade badnaa
Maxeysa isbadal ku keeni kartaa Xaalada wali cakiran ee kajira Dalka .






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com