Uncategorized

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo qabanaya howlihii wasaaradaha (aqriso sheeko layaab leh)

iftineducation.com – Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo dadka Soomaaliyeed ay
hami weyn u hayeen ayaa waxa uu bilaabay in uu isagu shaqo ka dhigto
howlihii ay qaban lahaayeen wasaaradaha ku shaqada leh.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi
kasocday dowlada Shiinaha oo qaabilsanaa dhismaha arintaas oo ku
wanagsaneed in ay qabtaan golaha wsiirada hadba kii ay quseyso.

Wafdiga shiineeska ah ee madaxweynuhu qaabilay ma aheyn kuwa kahadlayay
arima siyaasadeed, hasa yeeshee waxa ay ka dhawaajiyeen in ay u
yimaadeen halkaan in shariikado laga leeyahay Shiinaha oo ladoonayo in
lagu hor mariyo arimaha Bulasha Soomaaliya ay keenayaan.

Lakulmitaanka wafdigaan kasocday Shiinaha waxaa lahaa wasaarada
Horomarinta Bulashada sida ay ku waramayaan dadka taxliiliya
siyaasadaha.

In madaxweyne uu qabto shaqa uu ku filanyaha agaasime ama wasiir ma ahan
mid Soomaaliya hada ku bilaabaneysa hasa yeeshee waxaa shacabka
Soomaaliyeed ay hadal heyntooda ugu badan ay tahay in ay sugayeen in
howsha sida loo kala leeyahay loo kala qaato maadaama dalku uu ka baxay
kumeel gaar, loona baahanyahay horumar.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com