Uncategorized

Madax Soomaaliyeed oo ka qeyb galaya Shirka Xiriirada Kubada Koleyga Afrika ee ka socda dalka Masar (Sawirro)

iftineducation.com –  Madaxda Xiriirada Kubada Koleyga Qaarada Africa (Fiba Africa), ayaa Maalintii shalay Shir Balaaran ugu furmay Magaalada Qaahir ee dalka Masar, kaasi oo loogu hadlayo, wax qabadka Xiriirada Kubada Koleyga Africa, iyo Isbadalada ay Xiriirkada Kubada Koleyga Aduunka damacsan tahay iyo Saameeynta uu ku yeelan karo kuwa Africa. 

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan Madax Soomaaliyeed ayaa Furitaankiisa waxaa khudbado ka jeediyay Wasiirka Isboortiga dalka Masar oo dalkiisa lagu marti gelinayo shirka, Madaxweynaha Xiriirka Kubada Koleyga Aduunka, Madaxweynaha Xiriirka Kubada Koleyga Afrika, iyo Xoghayaha Guud ee Xiriirka Kubada Koleyga Qaarada Africa. 

Shirkaan waxaa ka qeyb galaya Gudomiyha Suqgeynta wadamada east Africa, ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Qaarada Africa Eng. Baana Abdalla Ali oo horey u ahaa Xoghayihii Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliya iyo Xoghayaha Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliya ee xilligaan Mudane Saciid Faarax.

Waxyaabihii shalay la isku soo qaaday waxaa ka mid ahaa, wax qabadkii 2-sano ee lasoo dhafey, Daqliga soo galey, Tartamada la qabtey, in tartamada ay ahaayeen kuwa loogu tala gely in loo qabto zone kasta, wax qabadka Zone kasta, is bedalada ay fiba world ku talo jirto saameynta uu ku yeelan karo qaarada afrika, isbedel lagu sameyn doono dastuurka, iyo isbedel lagu sameyn doono sida loo qaban doono tartamda isreebreebka zoneka kasoo suurto gelineysa in cayaaraha aduunka ay fiba afrika uga qeyb geli karto 5-wadan halka ay xilligaan ugu qeyb galaan 2-wadan.

Maanta ayaa lagu wadaa in shirkaan lasoo gaba gabeeyo sida uu Warbaahinta u sheegay Eng. Baana Abdalla Ali oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Xiriirka Kubada Koleyga Qaarada Afrika, iyadoona la filayo in Madaxda Qaarada Arika iyo kuwa Aduunka ay si wada jir ah isugu raacaan, Shaqo Howleedka Mustaqbalka ee Xiriirada Kubada Koleyga Africa iyo Aduunka.






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com