Uncategorized

Ma Dooneysaa inaad dib u soo celiso jacelkaagi hore , Samee Qodobadan Muhiimka ah

iftineducation.com – Dadyowga dunida ku nool way ku kala duwanyihiin, diimaha, hab
dhaqanka nolosha, labiska, fikradaha, iyo weliba luqadaha, lakiin waxa
hubanti ah in laga wada simanyahay jaceylka, in la isjeclaado hadana
lakala hadho, maaha shey qoomiyad keliya ku eg’ ee waa laga wada
simanyahay dhamaan aduun weynaha. Hadaba waxa muhiim ah in aad ogaato
dariiqo loo maro ama qaabka kuu sahlaya in aad lamaanahaagii hore ee
jaceyl wadaaga aad aheydeen balse wakhtigu idin kala reebay aad dib usoo
ceshato hadii aad weli jeceshahay sidii aad u kasbato kalsoonidiisii.
Ka hor inta aanad isku dayin in aad dib u hanato lamaanihii aad jaceylka
soo wadaagteen waxa lagama maarmaan ah in aad ogaato weli in uu kaa
taxadarayo ama uu qadarin kuu haayo, qofku hadii uu mar qadarin kuu hayo
waa sahal sida aad kusoo ceshan kartaa adiga oo wakhti badan aan ku
lumin kana faa’iideysanaya qadarinta iyo wanaaga uu kuu hayo.
 
Qodobka Koowaad: isku day in aad dib u furto halka lamaanagii hore ha
noqdo hadalku  qoraal ama hadalba toos ah adig oo isku dayaya in aad
dib u xasuusiso jaceylkiinii gaar ahaan wakhtiyadii farxada iyo
dhibaatooyinka ee aad  soo wada marteen. isku day in aad qalbigiisa ku
beerto siduu dib ugu milicsan lahaa jaceylkii idiinka dhaxeeyay gaar
ahaan jacaylkii aad aduu u haysay.
Qodobka Labaad: hadii aay jiraan hadiyado aad lamaanahaaga ka haysaa
tusaale ahaan dhar isku day maalinta aad la kulmeeyso in aad soo xidhato
dharkaasi ama hadiyada aad ka haaysato adiga oo la eeganaya, wakhtiga
uu faraxsanyahay.
Qodobka Sadexaad: wakhti la joogo u sheeg in aad ka fikireyso in aad
dib u heli kartid iyo in kale si aad jawaab ugu hesho balse qodobkan
sadaxaad haku degdegin illaa aad labada qodob ee kor ku xusan aad meel
ku hubsato. 
Qodobka Afaraad: hadii aad dooneysid in aad soo ceshato
jaceylkaagii hore waxa lagama maarmaan ah in aad xiligaa qof kasta oo
aad xidhiidh hoose oo aan dheereyn la leedahay aad joojiso
xidhiidhkiisa, si jaceylkaagii hore kalsooni iyo soo noqoshaba ugu qan
ciso oo dib ugu beerto jacayl cusub oo hor leh. 
In kasta oo ay jiraan
qodobo kale oo kuwan la mid ah oo saamayn ku yeelan kara dib usoo
cusboonaysiinta xidhiidh  hore u jiray oo ka dhexeeyay laamane is
jeclaa. Akhriste xusuusnoow in nolosha macaankeedu ku jirto qof adiga ku
jeceyl adiguna aad jeceshahay hadii aad tahay marwo ama xaasle hadaba
ka fogow qof nolol kale galay in aad dib usoo ceshato, udaa nolosha uu
dhex maquuranayo waa hadii aad jeceshahay, si adigana nolol midaa lamid
ah aad u hesho oo aan laagaga dhex galin.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com