Uncategorized

Layaabka Aduunka: Hotel Sida Cuf/Buulbuul Shinbireedka U Dhisan + (Sawiro Cajiib Ah)

iftineducation.com – Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa cadadkiisi
ugu danbeeyay, soo daabacay hudheel noociisu qariib ku yahay dunida,
kaas oo ku yaala dalka Thailand, kana dul dhisan laamaha dhirta
dushooda.

Hudheelkan oo u samaysan sida cufka shinbiraha oo kale, isla markaana
ka dul dhisan laamaha dhirta ayaa jariiradu sheegtay in cuntadiisu
tahay mid qaali ah, oo qofka u cunto doonta ay halka wakhti isaga iyo
lamaanihiisa kalifayso lacag dhan 283 £, taas oo ah qiime aad u sareeya,
marka loo eego hudheelada kale ee waddankaas ku yaala.

Jariirada Daily Mail ee reer Britain ayaa hudheelkan ku tilmaantay
mid ku yaala deegaan raaxo ah, waxaanu ka dhisan yahay, kaymo roobaadka
ugu bilicda san dalkaas ee lagu magacaabo, “Savona Curl Luxury, ee dalka
Thailand.

Aasta iyo baaxada uu ku fadhiyo hudheelkani ayaa dhan 16 feet oo ka
dul samaysan laamaha dhirta waaweyn ee kaymo roobaadka seeraha
tamashlaha loo tago, ee ugu quruxda badan dalkaas, waxaana sida
wargeysku sheegay macaamiishu ay cuf shinbireedkan ku korayaan, wiishash
dhulka ka dalacaya oo dusha sare gaynaya, halkaas oo ay ku dul
cuntaynayaan, bugcad sida cufka shinbiraha oo kale u dhisan, oo meel
kasta ay uga muuqan karaan, dhirta quruxda badan iyo xeebta bilicdasan
ee ka ag dhow.

Wax kasta oo macmiilku dalbado waxa uu keenaya wiishash oo miisaska
iyo kuraasta lagu keenayaa, inkasta oo lacagtiisu qaali tahay, aadna u
sarayso, haddana waa mid u qalanta marka loo eego deegaanka dabiiciga ah
ee uu ku yaalo, sidoo kale hudheelkan ayaa cuntooyinka uu iibinayo ay
ka mid yihiin, cunto dhaqameedka Thailand iyo noocyada ugu qaalisan
kaluunka.

Waxa xusid mudan in badanka kaluunka iyo cuntooyinka lagu sameeyo
hudheelkaas, laga soo jilaabo xeebta ama bada u dhow, waxaana suura gal
ah in marka martidu soo degto hudheelkaas, cuntada looga doono, xeebta
oo kaluunka loo soo jilaabo ka dibna khudaar daray ah oo goobtaas ka
baxday loogu daro, sida ay jariiradu ku warantay.







____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com