Uncategorized

Kooxaha Sportiga ee Ugu Qanisan Caalamka.

iftineducation.com – Manchester United iyo Real Madrid ayaa loo magacaabay kooxaha 2aad
iyo 3aad ee ugu qanisan isboortiga caalamka, waana kooxaha ugu qanisan
kubada cagta caalamka, sida lagu shaaciyay liiska majalada dhaqaalaha ee
Forbes oo maanta soo baxay.
Waxaa liiska kooxaha isboortiga
adduunka ugu sareysa dhanka taajirninada kooxda ciyaarta kubada
baseball-ka ee New York Yankees ee dalka mareykanka, kuwaasoo lagu
qiimeeyo 363 milyan doolar, iyadoo Manchester United oo koox kubada
cagta ah ay ku soo xigto iyadoo lagu qiimeeyo 293 milyan doolar.
Kooxda
heysata horyaalka Spain ayaa kaalin seddexaad ku jirta iyagoo lagu
qiimeeyo 225 milyan ginni, waxaana ay ka sareeyaan kooxaha Dallas
Cowboys iyo Angeles Dodgers.
Bayern
Munich iyo Boston Red Sox ayaa ku kala jira lixaad iyo 7aad, waxaana
sii raaca New England Patriots iyo Barcelona oo iyadana lagu qiimeeyo
176 milyan doolar.
Waxaana 10ka kooxood ee ugu qanisan Isboortiga
caalamka ee ay soo saartay Forbes dhameystiraya kooxda Arsenal ee dalka
Ingariiska.
Ma xiiseyneysaa Maqaalkaan? La Wadaag Asxaabtaada:

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com