Uncategorized

Jaceylka Lamaanaha Soomaalida Guurka Kadib, Intuu Ku Danbeeyaa (Akhriso Qormadaan).


iftineducation.com –  Marka Jaceylka laga hadlayo qof waliba waxa uu dareemaa Danqasho ka imaata Qalbiga iyadoo xasuustu noqoto mid aada waayo waayo iyo Dhacdooyin kala gadisan oo ruuxa soo mara.

Hadaba Qormadaan waxaan jeclahay inaan kusoo bandhigo Jaceylka Maanta & Qoysaska Soomaalida , dabcan marka hasaawa wadaaga la yahay waxay Mucaashaqiintu yihiin kuwa isku soo ban dhigta Kalgaceyl & Dabacsanaan ka imaata Qalbiga foodiisa hore hasa ahaatee aanan laga run sheegin Guurka kadib.

Jaceylka Maanta waa mid ku yimaada Damac midkood labada Lamaane ku jira waxaana la dhihi karaa Kuwa sida dhabta ah isku xushay ee Nolosha ku midoobay jaceylkoodu ma dhamaadee wuu wareegaa.

Marka labada lamaane ay wada qaataan Sanado waxaa yimaada Awlaad waa hadii uu Alle ugu deeqee kadib waxay culumada ku taqasustay Cilmi nafsiga sheegaan in Jaceylkaasi uu wareego isla markaana Gabadhu jaceylka ay u qabto Lamaankeeda uu ku wareegayo Curudkeeda .

Taas macnaheedu maahan in Jaceylka ay isku hayaan labada lamaane dhamaaday balse Xiisihii badnaa iyo Kalgaceylkii waxaa hananaya Curadkaa ,
Markeey kala helaan Labo Caruur waxaa inta badan timaad in la isku waayo Fursadii hore waxaana si Qasab ah Aabuhu isku badalayaa mid dusha saarta Masruufka caruurta & kan Qoyskaba .

Guurka kadib & Ubadka kahor Wiilku waa mid u caaboon Nolosha , balse markuu Alle ku maneesto Owlaad waxaa imaanaya Is xisaabin taasuu ka fakarayo Mustaqbalka & Aayaha caruurtiisa, Isbadalkaas waxay haweenka Soomaaliyeed yiraahdaan Jaceylku wuu dhamaadaa guurka kadib.

Balse sida loo fahmay maahane Jaceylku wuu Wareegaa ilaa ugu danbeeyn Labada Lamaane ay waqti Da’a ah isla qaataan oo uu yimaad waxa loo yaqaan ” KALSOONI GAAMURTAY” .

QODOBKA DOODA ISKU DAY INAAD FIKIRKAAGA KU CABIRTID JAWAABTA : ” LAMAANAHA SOOMAALIDA GUURKA KADIB JACEYLKOODU MA DHAMAADAA MASE WUU SIYAADAA?

Fikradaada & Jawaabtaada waxaad Ku dhiiban Kartaa Bartaan Hoose adigoo Isticmaalka Aalada Casriga ah ee Comment , Fadlan Fikirkaagu waa laf dhabarka Bulshada Mahadsanid.







____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com