Uncategorized

INTERPOL Oo Balan Qaaday In Boliiska Soomaaliyeed Ay Tababarayaan.

iftineducation.com – Waxaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay Sii hayihii Wasaaradda arrimaha Gudaha ee dawladdii ku meel gaarka ahayd Cabdisamad Macalim Maxamuud iyo wafddi uu hoggaaminayay.

Wasiirka oo markii uu dalka ku soo laabtay la hadlay qaar ka mid ah War baahinta ayaa ka war bixiyay safarkii ay ku tageen Magaala Madaxda Dalka Talyaaniga ee Rooma.
Wasiirka ayaa sheegay in halkaas ay uga qayb galeen shir weeynihii Caalamiga ahaa Interpol kaasoo sanadkiiba mar la qabto.
Cabdisamad Macalim maxamuud ayaa sheegay in sanadkan Soomaaliya ay nasiib u yeelatay in shirkaas ay ka qayb galaan isla markaana kulamo gaar ah la qaataan madaxdii shirkaas ka soo qayb gashay.
Wasiirka ayaa sheegey in Boliiska Caalamka ee loo yaqaano Interpol in ay shirka ka balan qaadeen in tababaro joogta ah ay u fidin doonaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Kulanka Interpol oo sanadkiiba ay mar isugu yimaadaan ayaa waxaa looga hadlaa denbiyadii ugu waa weynaa ee dunida ka dhacay iyadoo dhinaca kalena laga hadlo Iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa Boliiska Caalamka.
Wafdigan uu wasiirka hoggaaminayay ayaa waxaa ka mid ahaa taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gen. Shariif Shiikhunaa Maye.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha caalamiga ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Boliiska iyo wasaaradda arrimaha gudaha.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com