Uncategorized

Ila Qosolka Maanta – CAR QOSOLKA ISKU CELI kkkkk

iftineducation.com – Laba dahliyara ayaa shukaasi kadhexeeyey aad ayeyna isugu ciidanaayeen(isugu fiicnaayeen)sida aad ogtihiinba markay 2 qof aad isugu wanaagsan yihiin wax yaalo badan ayaa dhexmara sida kaftan badan, farakacayaar dadka qaarkiis iyo waliba kalsooni dheeraada gabadha iyo hooyadeed aad ayey isugu ekaayeen cabir ahaana isula ekaayeen labadoodubana indhaha ayeye xiraayeen(indha shareer ama niqaab).

intaa waxaa dheeraa in wiilku tuhunsanaa in maamada gabadaha dhashay larabin gabadheeda taasna waxbaa kayara jirtay maalintii dambe wakhti casar gaabkii ah maqrib agagaarihiis ayaa wiilkii ka hor imaaday qof ula ekaaday saaxiibadii isagoon sugunba(hubsanin) ayuu ku bilaabay kaftan si indho-la’an ah wuxuuna ku yiri naa horta maad igala hadashid habartan hooyadaa ah imaba arki kartee maxay saas iigu nacsantahay maxaan yeelay Yaxaas ha qaadee inaan habaaro maahee sikale garan maayee wuxuu intaa kudaray oo uu yiri mar horaan kuu sheegay inaysan fiicnayn gabar hooyadeed nooshay siiba adiga oo kale .

xariifkaa wuxuu ku hadlay wax walba oo uurkisa ku jiray waa si kaftan ahaan ah laakiin qof walba lagu dhihi karin.

hebal iyo heblaayo oo kale maahee intaas markuu is raaciyey ayuu dareemay sheekadii oo lagala qayb qaadanay iyo indho kaliya oo siyaaban u eegaya xariifkii halmar aya biyo qaboow lagu shubay sheekadiina waa dhananaatay hal mar ayaa jawaab naxadinle soo yeedhay oo layidhi waaryaa nacas yohow fulayga ah waan kusiisay gabadha aa darteed yaxaaska iisiinaysee isa soo diyaari caawana guriga iigu kaalay.

qofwalboow malee waxaa samayn lahayd hadaa tahay kan ay arintaas ku dhacday

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com