Uncategorized

Hooyo u dhalatey Dalka Kenya oo laba caruur ah oo mataano ah oo ay dhashay ugu magac dartey Obama iyo Romney(Daawo Muuqaal ahaan)

iftineducation.com – Hooyo u dhalatey dalkaas Kenya ayaa waxaa la sheegay inay laba caruur ah oo mataano ah oo ay dhashay maalintii doorashada dalkaas Mareykanaka ay ugu magac dartey ama ay ku samisay labadaas caruur ah Barack Obama iyo Mitt Romney arintaas oo ay la yaabeen dhamaan dadka aduunka. 


Hooyadaan Kenyaatagi ah oo lagu magacaabo Millicent Owuor oo 20 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inay dhawaantaan gaar ahaana xilligii doorashada dalkaas Mareykanka ay ku umushay laba wiil oo mataano ah isbitaalka lagu magacaabo Nyanza Provincial General Hospital ee magaalada Kisumu ee galbeedka dalkaas Kenya, hooyadaan ayaa waxay go’aansatey inay markaasi ay labadaas caruurta ah ee ay dhashay ay ugu magac darto Barack Obama iyo Mitt Romney arintaas oo soo jiidatey indhaha caalamka , hooyadaan oo isbitaalkaas ay ku dhashay caruurtaas uu la deris yahay tuulada ama deegaanka uu asal ahaan ka soo jeedo madaxweyne Barack Obama walina ay halkaas ku nool yihiin qaar ka mid ah qoyskiisa ayaa waxaa xilligaas ka socday goobahaas dabaal degyo loogu sameynaayo guusha madaxweyne Obama oo dib loo doortey 4 sano oo kale inuu sii haayo talada dalkaas Mareykanka. 

Ugu dambeyntiina iyadoo sida ay haweeneydaas ay sheegtay ay arintaas u sameysay si ay u noqoto xasuus aan waligeed harin oo caruurteedaas lagu xasuusto xilligii doorashada iyo tartankii labadaas nin ayaa waxaa kale oo la sheegay inay jiraan haween badan oo u dhashay dalkaas Kenya oo caruurtooda ugu magac darey Obama iyadoo ujeedka ka dambeeyana ay tahay inay ilmahooda ay maraan wadada guuleed ee uu gaaray madaxweyne Obama. 









____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com